Trump oo moodayay in ay madaxweynenimadu sidan ka fududahay

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo moodayay in ay madaxweynenimadu sidan ka fududahay

    Trump oo moodayay in ay madaxweynenimadu sidan ka fududahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump oo moodayay in ay madaxweynenimadu sidan ka fududahay
Donald Trump ayaa sheegay in uu moodayay in madaxweynenimadu "ay ka fududatay"sida ay hadda tahay, arrintaas ayuu ku sheegay waraysi lagu beegay markii uu xafiiska hayay boqol maalmood.
"Noloshaydii hore aad baan u jeclaa. Waxyaabo badan ayaana isku waday," ayuu ku kuri wakaaladda wararka ee Reuters.
"Noloshaydii hore waan jeclaa, waxaanna is lahaa tan baa ka fudud."
Intii uu waraysigu socday waxaa kale oo uu sheegay in xogtiisa gaarka ah aysan qarsoonayn hadda marka loo eego markii uu ahaa ganacsadaha.
"qof shabaq yar ku jira ayaad noqon, sababtoo ah ilaalo xaddhaaf ah ayaa jirta xaqiiqatanna meelna ma aadi kartid," sidoo kale wuxuu sheegay in uu u xiisay in uu gaariga gacantiisa ku wato.
Lahaanshaha sawirkaEPA
Shaqada kali ah ee rasmi ah ee madaxweynaha Maraykanka waxay ka timaadaa dastuurka Maraykanka sida uu qoran JFK Library.
Liiskaas waxaa u horreeya in madaxweynuhu uu yahay abaanduulaha ciidammada qalabka sida ee Maraykanka.
In uu milatariga iyo ciidammada badda xukumo waxaa u wehelisa in madaxweynuhu uu cafin karo magangalyana siin karo dadka dambiyada gala. Iyo in uu heshiisyo la gali karo dalalka isaga oo ansxin ka haysta aqalka Senetka.
Liiskaas oo 10 qaybood ka kooban waxaa ka mid ah "in uu awood u leeyahay in uu helo xogta iyo afkaarta waaxaha fulineed". Wuxuuna "masuul ka yahay dhaqangalinta sharciga dalka".