Kooxda "Dawladda Islaamka" oo dad ku laysay Suuriya
Kooxda "Dawladda Islaamka" oo dad ku laysay Suuriya
Inkabadan 30 qof oo isugu jira rayid ah iyo dagaalamayaasha Kurdiyiinta ayaa dhimatay, 34 kalena dhaawayo ayaa ka soo gaaray weerar ay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ka fulisay agagaarka xadka dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Kooxdu waxay bartilmaameedsatay xero qaxooti oo ay ku noolyihin dad ka soo barakacay colaadda dalka Suuriya iyo qaxooti kale oo iyaguna ka soo jeeda dalka Ciraaq.
Xerada uu weerarku ka dhacay oo la yiraahdo Rajm Al-Salibi ayaa ku taalla meel aan sidaasi uga sii fogeyn magaalada Shaddadi ee gobolka Hassakeh ee dalka Suuriya.
Wuxuu sidoo kale dagaal dhexmaray maleeshiyadka weerarka soo qaaday iyo xoogagga kurdiyiinta ah ee SDF.
Mas'uuliyadda weerarkanna waxaa qirtay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo sheegatay in bartilmaamedku uu ahaa dad ka baxay Diinta Islaamka oo ka ag dhawaa agagaarka magaalada Shaddadi.
Image caption
Goobta dadka lagu dilay
Kooxda "Dawladda Islaamka" oo dad ku laysay Suuriya
Kooxda "Dawladda Islaamka" oo dad ku laysay Suuriya