Hay'adda Xasaradaha Adduunka Oo farriin Rejo Iyo Digniin Ah U Dirtay Soomaaliya

0
Wednesday May 03, 2017 - 16:45:20 in by Burco Office
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Xasaradaha Adduunka Oo farriin Rejo Iyo Digniin Ah U Dirtay Soomaaliya

    Hay'adda Xasaradaha Adduunka Oo farriin Rejo Iyo Digniin Ah U Dirtay Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Xasaradaha Adduunka Oo farriin Rejo Iyo Digniin Ah U Dirtay Soomaaliya

Hay’ada xasaradaha adduunka ee la yidhaa ICG ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadlayso xaaladda dalka Soomaaliya iyo heerka masuuliyiinta cusub ee dhawaan loo doortay dalkaasi.


Hay’adan ayaa warbixinteeda ku sheegtay in Soomaaliya ay heysato fursad ay ku sameyn karto isbedel dhinaca amniga iyo siyaasadda ah oo ay muddo u baahneyd, taasi oo ay ku sababeysay in Soomaaliya yeelatay madax cusub oo caalamku si weyn u daneynayo.

ICG waxay talo u soo jeedisay Midowga Yurub iyo dhinacyada ku lugta leh shirka toddobaadka dambe ka furmaya magaalada London ee ay yeelanayaan beesha Caalamka iyo Soomaaliya.

Dhinaca kalena, Warbixintani waxay dawlada Soomaaliya uga digtay inay fulin weydo ballan qaadyadii ay gashay ee ahaa dhismaha Ciidan Qaran oo xoogan, Qabyo tirka iyo dib u eegista Dastuurka, La dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Xoojinta nidaamka Federaalka, taasi oo keeni karta in Beesha Caalamku taageeradeeda la noqoto.