Xaaladdii Ugu Danbaysay Ee Hablihii Qurbajooga Ahaa Ee Ragga Ajanabiga Ah Iyo Booliska Somaliland Ka Kaxaysteen Dugsi Ku Yaalla Magaalada Hargeysa

0
Thursday May 04, 2017 - 09:40:55 in by Burco Office
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladdii Ugu Danbaysay Ee Hablihii Qurbajooga Ahaa Ee Ragga Ajanabiga Ah Iyo Booliska Somaliland Ka Kaxaysteen Dugsi Ku Yaalla Magaalada Hargeysa

    Xaaladdii Ugu Danbaysay Ee Hablihii Qurbajooga Ahaa Ee Ragga Ajanabiga Ah Iyo Booliska Somaliland Ka Kaxaysteen Dugsi Ku Yaalla Magaalada Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladdii Ugu Danbaysay Ee Hablihii Qurbajooga Ahaa Ee Ragga Ajanabiga Ah Iyo Booliska Somaliland Ka Kaxaysteen Dugsi Ku Yaalla Magaalada Hargeysa

-Ilo wareedyo u dhuun daloola dhacdada 19-kii hablood ee Qurba-joog ahaa ee Reer Somaliland ee ay dhawaan ciidamo Ingiriis ah iyo Booliska Somaliland goor habeen ah ka kaxaysteen dugsi waxbarasho oo kuwa la seexdo ah oo ku yaala xaafada Jigjiga Yar ayaa sheegaya in laba kamid ah hablahaasi ay dawlada Denmark shalay ka kaxaysatay Hargeysa isla markaana ay dib ugu celisey halkii ay ka yimaadeen.


Wararkan ayaa sheegaya In labadan Hablood ee ay dawlada Denmark ay qaadatay ay kala hadleen Xukuumadda Somaliland kadib markii ay wada hadal ka galeen sidii hablahaas dib loogu celin lahaa dalkii ay ka yimaadeen,taas oo ay xukuumadda Somaliland-na ay aqbashay sida ay sheegeen qaar kamid ah ehelada hablahaasi.

17-kii hablood ee kale ayaa wali ku jira gacanta Booliska iyo saraakiiisha Ingiriiska ee Hargeysa jooga,waxaana ka dhex taagan xukuumadda Somaliland, Booliska, saraakiishan Ingiriiska ka socda iyo waliba waalidka dhalay hablahan xaalad cakiran oo la xidhiidha sababta loo haysto iyo waxa loo soo xidhay.Doodaha jira ee lagu soo warinayo ayaa sheegaya in aan habayaraatee aanay jirin ci og goobta ay ku sugan yihiin hablahani isla markaana waalidka dhalay laga qarinayo oo aan loo ogolayn,wallow ay wararka qaar soo baxayaa oo aan la xaqiijini ay sheegayaan in hablahani dhamaantood ay gacanta ugu jiraan Saraakiishan ciidan ee dalka Ingiriiska ka socday.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhacdadan,waxaana la sheegayaa inay saamaysay waalidka iyo caruur ku sugan dalka Ingiriiska isla markaana qaarkood dawlada Ingiriisku laba wareegtay kadib hawl galkan Hargeysa ka dhacay oo lagu eedaynayo inay waalidka hablahan dhalay ay sabab u ahaayeen in ay ku xareeyaan dugsigan laga soo qabqabtay oo dawlada Ingiriisku ilaa hadda u aqoonsan tahay in lagu barayey falal argagaxisinimo.

Halka ay waalidiinta hablahan dhalay ay ku doodayaan in lagu barayey Diinta Islaamka iyo dhaqanka reer Somaliland madaama dhibaato fara badani dadka Qurbaha ka qabsato dhaqamada dalalka ay u qaxeen iyo Diimahooda.

Si kasteba ha ahaatee Xukuumadda Somaliland iyo dawladaha kale ee ajaanibka ah ee isku haysta Hablahan 19 ah ee lagala baxay habeenka dugsigii ay ku jireen ayaanay midkoodna ka hadlin oo aanu war kasoo saarin Kiiskan,ilaa haddana ma muuqato dhinacyada mid dacwad ka furtay Garsoorka madaama arrinkani yahay arrin xasaasi ah.