Madaxweynaha Somalia Farmaajo Oo Soo Gaabiyay Socdaalkiisi Itoobiya Kadib Dilkii Wasiir Cabaas.

0
Thursday May 04, 2017 - 10:10:39 in by Burco Office
  • Visits: 697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somalia Farmaajo Oo Soo Gaabiyay Socdaalkiisi Itoobiya Kadib Dilkii Wasiir Cabaas.

    Madaxweynaha Somalia Farmaajo Oo Soo Gaabiyay Socdaalkiisi Itoobiya Kadib Dilkii Wasiir Cabaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somalia Farmaajo Oo Soo Gaabiyay Socdaalkiisi Itoobiya Kadib Dilkii Wasiir Cabaas.

Madaxweynaha Dalkaasi Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gaabinaya booqashadiisa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu maanta gaadhay.


Madaxweynaha ayaa sababaha uu u soo gaabinayo booqashadiisa ku sheegay geeridii lama filaanka aheyd ee Wasiir Cabaas C/llaahi Siraaje oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi "Aad Ayaan uga murugooday geerida Wasiir Cabbaas. Waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah, dadaal badan oo waddani ah. AUN”

Madaxweynaha ayaa yidhi "Waxaan soo gaabinayaa booqashadeyda Ethiopia si aan uga qeyb galo baroor diiqda iyo aaska Qaran ee wasiir Cabbaas”

Waxaa uu ku amray Hey’adaha ammaanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga sal gaaraan wixii sababay musiibadan, ayna hubiyaan in kuwii ka dambeeyay la soo qabto.Ciidamo ka tirsan dawladda oo la sheegay inay ahaayeen Ilaalada Hanti dhowraha Guud ayaa caawa fiidkii ku dilay wasiir Cabaas Siraaji oo watay gaadhi yar.

Ilaalada dilka ka dambeysay ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay, iyadoo ay socdaan baaritaano ku aadan dilka.Wasiirada Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegaa in aysan intooda badan laheyn ama wadan gaadiidka aan xabaduhu karin, waana calaamad su’aal dul saaran sida aan la isaga xil saarin amnigooda.

Hase ahaatee inta badan Wasiirada ugu muhiimsan dawladda ee haya Wasaaradaha culus ayaa waxaa lagu ilaaliyaa gaadiid ciidan iyo baabuurta aan xabadahu karin, waana arrin dad badan la yaaban yihiin sida Wasiirada Xukuumaddu ay u kala qaalisan tahay naftooda.

Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Wasiiro hore ayaa iyana ka mid ah kuwa leh baabuurta aan xabadahu karin, waxaana qaarkood la sheegaa in baabuurta ay lahaayeen la siiyay xilliyadii ay xilalka hayeen.

Si kastaba ha ahaatee Wasiir Cabaad Siraaji ayaa noqonaya Wasiirkii u horeeyay ee laga dilo Xukuumadda Kheyre, isla markaana ku dhinta shil dawladda dhexdeeda ah, waxaa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo horay ugu soo koray xeryaha qaxootiga Kenya, isagoo lahaa mustaqbal wanaagsan alle hawnaxariisto.