Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Dawladda Itoobiya Ka Dalbaday Inaanay Masuuliyiinta Maamul Goboleedka Puntland Uga Soo Tallaabin Xadkooda.

0
Thursday May 04, 2017 - 15:28:19 in by Super Admin
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Dawladda Itoobiya Ka Dalbaday Inaanay Masuuliyiinta Maamul Goboleedka Puntland Uga Soo Tallaabin Xadkooda.

    Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Saleebaan Ciis)e Axmed (Xagla-toosiye), ayaa ugu baaqay dawladda Itoobiya inaan Somaliland looga soo talaabin xadka ay wadaagaan labada dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Saleebaan Ciis)e Axmed (Xagla-toosiye), ayaa ugu baaqay dawladda Itoobiya inaan Somaliland looga soo talaabin xadka ay wadaagaan labada dal.

Dr. Saleebaan waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad ballaadhan oo lagu soo dhawaynayay xilli uu socod ku dhex marayay magaalada Buuhoodle shalay, waxaanu lwaxba kama jiraan ka dhigLy hadallo ka soo yeedhay madaxweyne ku-xigeenka maamul goboleedka Soomaaliye ee Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo toddobaadkan tagay Buuhoodle.


 

 

Wasiirka oo hadal u jeediyay dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi ayaa shacabi-weynihii isu soo baxay waydiiyey in xubnaha Puntland ka socda loo fasaxo cusbitaalka Buuhoodle iyo in kale, waxaanay ugu jiibiyeen dadweynihii dhegaysanayay inaan cusbitaalka loo ogolaan masuuliyiinta Puntland, maadaama ay yimaadeen deegaanka xilli lagu qabowsaday raxmaadkii Eebe oo deegaankaasi ka curtay, isla markaana ay bogsadeen inta badan dadkii uu xanuunka shuban biyoodku soo ritay.


 

"Anigu hadda halkan umaan iman is tustus iyo siyaasad, waxaan u imid wacyigalin, maadaama Illaahay raxmaadkii shubay oo Illaahay abaartii in-naga dul-qaaday, nin kun iyo shan boqol oo km soo lugeynaya ma xukumo Buuhoodle, dawladda Itoobiya waa dawlad aanu isku wacanahay, gurmadkii ay ka fidiyeen deegaannada degmada Buuhoodlena waanu uga mahadcelineynaa, hase ahaatee dawladda Itoobiya waxaanu ka codsanaynaa inay naga daayaan dadka noo soo dhex maraya sida Puntland oo kale oo ka soo wareegay dhinaca xadkooda,”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.


 

Dhanka kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay gaadiidka iyo dhakhaatiirta caafimad ee maamulka Puntland ay sheegeen inay hawlo gargaar kaga wadaan magaalada Buuhoodle, waxaannu yidhi; "Maamul goboleedka Puntland ee sheegay in ay saddex ambalaas ka joogaan Buuhoodle, waxba kama jiraan kooxaha caafimaadka ee ay sheegeen inay halkan joogaan, waxba kama jiraan. waxaan u maleynayaa gaadiidka caafimaadka ee uu Camay sheegay inay ka hawlgalaan Buuhoodle inay marka aynu seexanno ay shaqeeyaan. Nimanka yimid markii roobkii da’ay ee aad caafimaadeen inay yidhaahaan maanta aanu dadkii aragno oo cisbitaalka booqano waa ayaan-darro.”