Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ee UK Md Maxamed Raambe oo Jawaab Ka Baxiyay Hadalo Dhalinyaro Xisbiga |Waddani Ka Tirsani Ku Eedeeyen Garsoorka Sare ee Dalka

0
Thursday May 04, 2017 - 17:19:56 in by Burco Office
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ee UK Md Maxamed Raambe oo Jawaab Ka Baxiyay Hadalo Dhalinyaro Xisbiga |Waddani Ka Tirsani Ku Eedeeyen Garsoorka Sare ee Dalka

    Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ee UK Md Maxamed Raambe oo Jawaab Ka Baxiyay Hadalo Dhalinyaro Xisbiga |Waddani Ka Tirsani Ku Eedeeyen Garsoorka Sare ee Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ee UK Md Maxamed Raambe oo Jawaab Ka Baxiyay Hadalo Dhalinyaro Xisbiga |Waddani Ka Tirsani Ku Eedeeyen Garsoorka Sare ee Dalka
Dhalinyarada Xisbiga Wadani xilalka ku taxay ee aan nidamka garsoorka iyo sharciga aan midna aqoonta u lahayn ee horta banan u hadlay yaanay ku kadmin xeerarka wadanka.

Waxaa reeban in loo hanjabo, la handaddo ama kiis gacanta garsoorka ku jira lagu goaminyo suuqa oo la yidhahdo hadii aay sida aanu doonay u dhici waydo waa caddalad darro.

Xoriyad iyo xaq kasta waxaa la socda oo ka soo horjeda waajibad iyo xuquuq, hadii aadan dhawrin wajibaka iyo xuuqda ka soo jeedada taduna ma dhawrmi doonto. Xuquuqda hadalku waxaa la socda wajibad sharci oo ah in aad dhawrti xuuqaqah kale, tusaale a ciidamada Milatariga Somaliland waxay leeyihin shaqsiyad qaanuun( legal personality), hadii aad sharaftoodad, karaamadodo ama sumcaddoda aad dhawacdo ama kalsonidii umadu ku qabtay aad dhawacdo waxaad xaq u leeyihin in ay ku dacweeyayn. Liisan cidna looma siin in ay ku xad gudban cid kale.

 


Wadani hadii uu caddalada u yaqaano shaadh isaga le'eg oo hadii aanu isaga le'ekan aanay jirin cadalid waa cajib iyo yaab!! Haa anagu wadani ayaanu nohoo in aanu ku gafno sharci iyo xeerar wadanka oo nala so xidho sharaf ayaanu u naqaano.

Hay'adad amnigu way hayn karaan 24 saacado iyo wax kabadanba hadii maxkamadi soo xalaalayso inta badhista ama dhamadka maxsuulki danbi laga soo baxayo, cidii aan taas aqooni inta aanay indhaha umada ku hor dhicin ha soo baadhan waxa ay ka leeyihiin.

In badan oo dhalinyarada wadani e shalay hadashay waxaa muujinayanen halka aqoontooda iyo qibraddo siyaasadeed gaadhsiisantahay. Waxayna muujiyeen in ay rajo la'aan iyaga iyo xisbigooduba yihiin.

Sharciga wuu jiifa cidbana kicisa, haduu kacana waa marra booob oo meel kasta wuu kaga dhagay, dhalinyardii shalay warbahin isa soo hortibtana waxaan leeyahay gacanta sharcigu yaanay idin qabani sharciga ha kicinina.
Afhyeenka Xisbiga Kulmiye UK
Mohamad Abdi Adam