Heshiiska Xabad Joojinta Ka Dhaqan Galay Meelo Ka Mida Waddanka Suuriya.
Heshiiskani wuxu ka mid yahay isku dayada la doonayo in lagu joojiyo dagaalka lix jirsaday ee ka socda dalkaas.
Hase yeeshee, isla saacadihii ugu horeeyey ee heshiiskaasi dhaqan galay ayaa wararku sheegayaan in duqayn iyo tacshiirad la is weydaarsanayo laga maqlay dhinaca woqooyi galbeed ee falaagadu gacanta ku hayaan.
Heshiiskan oo ay Khamiistii wada saxeexeen Ruushka, Turkiga iyo Iran ayaa ciidamada dawladda iyo kuwa mucaaradka ba farayay in ay xabbad joojin lix bilood ah ka dhaqan geliyaan afar meelood oo kala ah: Woqooyiga Idlib, badhtamaha Xumus, daafaha Dimishiq iyo koonfurta Suuriya.
Erayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa BBC-da u sheegay in heshiiskani yahay mid muhiim ah sababta oo ah waxa dhaqan galkiisa iska kaashanaya saddex dal waxaana suurto gal ah inuu culayska shacabka saaran yareeyo inta ay socdaan dadaallada siyaasadeed ee xalka lagu raadinayaa.
Heshiiska Xabad Joojinta Ka Dhaqan Galay Meelo Ka Mida Waddanka Suuriya.
Ruushka ayaa sheegay in heshiis uu ka soo shaqeeyey oo goobo nabad gelyo ah loogu astaynayo rayidka ku sugan goobaha dagaaladu ka socdaan ee dalka Suuriya uu haatan dhaqan galay.