QOF WANAAGSAN OO LALA QAYBSADO NOLOSHA W/Q:Cabdiqani

0
Saturday May 06, 2017 - 17:26:55 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 1550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QOF WANAAGSAN OO LALA QAYBSADO NOLOSHA W/Q:Cabdiqani

    Mahdi Dumarka iyo Ragga oo ah oo ah labada qofood ee ilaahay isugu tala galay in ay isguursadaan si ay reer u noqdaan ubadna u dhalaan ayaa waxa ay su,aalo badan iska waydiiyaan wal-walbadana ka qabaan ku dhaqaaqida in ay yeeshaan reer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahdi Dumarka iyo Ragga oo ah oo ah labada qofood ee ilaahay isugu tala galay in ay isguursadaan si ay reer u noqdaan ubadna u dhalaan ayaa waxa ay su,aalo badan iska waydiiyaan wal-walbadana ka qabaan ku dhaqaaqida in ay yeeshaan reer. Way sahlantahay in la yeesho reer si kastaba ha ahaato xaaladda , lakiin waxey walaac badan ka qabaan sidii loo heli lahaa qof wanaagsan oo nolosha lala wadaago!!. Dad badan ayaa waxa ay isticmaalaan aalada lagu wada xiriiro ee internetka si ay u helaan shaqsiga ku haboon naftooda kuna qanacsanyihiin in ay nolosha la wadaagaan. Si aad u heshid qof wanaagsan oo aad nolosha la qaysatid waxaad u baahantahay in aad fiiro gaar ah u yeelatid qodobo dhowr ah kuwaas oo loo baahanyahay in ragga ay dumarka ka fiiriyaan iyo kuwa kale ay haboontahay in dumarka ay ragga ka fiiriyaan iyo kuwo labadooduba haboontahay in ay fiiro u yeeshaan . Ninka aad nolosha la qaybsanaysid waa in uu ahaadaa :-  Qof leh aqoon diineed ku filan isaga oo uu ku kala saari karo xalaal iyo xaaraan inta uu awoodo.  Qof leh aqoon iyo xirfad oo uu nolshiisa ku maarayn karo kuna kala saari karo waxyaabo badan .  Qof ku kalsoon naftiisa aaminsan in uu waxbadan qabankaro.  Qof afkiisa iyo gacantiisa ay ka nabad galaan dadka uu la noolyahay ama la noolaanjiray.  Qof jecel dadka in uu qadariyo ama ixtiraamo .  Qof aanan ahayn caasi waalidayn,sababtoo ah qofkii waalidkii caasi ku ah cid kale uu baari u noqonayo majirto.  Qof runta sheego marka ay ku haboontahay. Naagta aad nolosha la qaysanasid waa in ay ahaataa :-  Qof diin leh oo jecel diinteeda in ay ku dhaqanto .  Qof xishood leh oo afgaaban aanan afkeeda gaarin nimanka ajnabiga ka ah.  Qof laga nabadgalo afkeeda iyo gacanteeda.  Qof leh aqoon ay ilmaheeda ku caawin karto ugu yaraan.  Qof baariyad u ah waalidiinteeda sababtoo ah taas ayaa baari kuu noqon karta adigana  Qof ku kalsoon nafteeda aaminsanna in ay qancinkarto ninkeeda.  Qof runta sheegto xilliga ku haboon. Nimanka iyo Naagaha waa in ay arrimaha fiiro u yeeshaan :  In aysan u aasaasin noloshooda waxyaabo fudud oo ay ku arkeen qof kuwaas oo aan laga yaabo inay ka badanyihiin kuwa kale ee xun ee uu qofkaas leeyahay sida: quruxda,hantida,magaca….. haddii aad intaas kaliya ka fiiriso oo aadan qiimo u yeelin arrimaha aan kor ku soo xusnay waxa aad ku socotaa wada qaldan….. haddii qofka uu leeyahay sifaatkii aan kor ku soo sheegnay ilaahayna ugu daray : hanti ama qurux ama macag waa nasiib aduun oo ku soo doontay.  in sida aad u jeceshahay waxa fiican uu qofka kalena u jecelyahay.  in qof la iska hubiyo qofba qofka kale asxaabtiisa oo waxaa lagu ogaadaa qofkaan qofka uu saaxiibka la yahay wax badan oo ku saabsan noloshiisa.  in ilaahay la talo saarto inta aan lagu dhaqaaqin.