Wasiirul Dawlaha Maaliyada Iyo Xilhibaan Bidhi oo Mudooyinki u Danbeeyey Waay Xal U Helida Khilaafka Hadheeyey Dhalinyarada Burco Ayaa Maanta Gudi U saaray Soo Afjarida Khilaafkaasi.+Sawiro

0
Saturday February 22, 2014 - 17:09:40 in by London Office
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirul Dawlaha Maaliyada Iyo Xilhibaan Bidhi oo Mudooyinki u Danbeeyey Waay Xal U Helida Khilaafka Hadheeyey Dhalinyarada Burco Ayaa Maanta Gudi U saaray Soo Afjarida Khilaafkaasi.+Sawiro

    Burco(Afkashacabka.com)Kulamadaas ay la yeesheen ardayda school lada iyo guud ahaanba qaybaha bulshada kala duwan ee gobolka togheer, kadib waxa ay ka soo sareen gudi mid ah isla markaana ka kooban beelaha dega gobolka togdheer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(Afkashacabka.com)Kulamadaas ay la yeesheen ardayda school lada iyo guud ahaanba qaybaha bulshada kala duwan ee gobolka togheer, kadib waxa ay ka soo sareen gudi mid ah isla markaana ka kooban beelaha dega gobolka togdheer.

Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani Oo ay wehelinayaan Xilhibaano Ka tirsan golaha degaanka degmada burco oo mudooyinkii u danbaysay ku jiray kormeer ay ugu kuudhgelayaanXaalada Gobolka iyo bal halka ay ku danbaysa yxasaasiyadii ka taagnayd gobolkani Ayadoona Ay kala hadleen dhalinyarada gobolka togdheer waxyaalaha had iyo jeer ku keena tafaraaruqa iyo qabyaalada isla markaana ay ku dhiiri galinayeen bulshada dhalinyarada ah sidii ay wax u wada qabsanlaheen isala markaana ay u noqon lahayeen kuwo isku mid ah oo cadwgooda meel uga soo wada jeesta.

Kulamadaas ay la yeesheen ardayda school lada iyo guud ahaanba qaybaha bulshada kala duwan ee gobolka togheer, kadib waxa ay ka soo sareen gudi mid ah isla markaana ka kooban beelaha dega gobolka togdheer.

Gudidan oo ka kooban 35(Shanyo Sodon xubnood)ayaa waxa ay ka shaqayn donaan midab takoorka iyo qabyaalada, oo mudooyinkan u danbeeyey lagu xamanaayey gobolka togheer.

Kulan ay manta ku yeesheen aqalka martida magaalada burco ayaa waxa ay kasoo sareen in gudidaasi lagu dhawaaqi doono maalinta isniintu soo galayso habeenkaeea taas oo loosoo bandhigi doono cuqaasha waxgaradka,madaxda iyo culimo awdiinta gobolkasi ay ugala shaaqeeyaan hawshaas baaxada badan ee losoo xulay xubnahaasi.

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen saraakiisha ciidamada policeka iyo militaryga,agaasimaha madaxtooyada gobolka iyo madaxda wasaara waxbarshada ayadoona ay ugu horayn halkaasi ka hadleen taliyaha qaybta policeka gobolka isagoona kula dardaarmay in ay ka wada shaqeeyan sidii uu gobolkani ugu noqon lahaa 80tamaadkii sidii lagu yaqanay.

 

Waxaa kaloo halkaasi iyaguna ka hadlay xildhibaan mubaarig Bidhi iyo gudoomiyaha wasaarada waxbarshada gobolka togdheer Cabi Axmed Siciid ayagoona ku nuux nuux saday ahmiyada ay leedahay nabadu iyo sida dalkani Somaliland ay uga hanaqaaday nabadu ayadoona losoo maray marxalado kala duwan,waxa ay sheegeen in haatan loo baahan yahay in laga baxo nidaamka qabiiliga ah isla markaan loo guntado hurumarka dalkeena hooyo.

Wasiirul Dawlaha wasaarada Maaliyada Somaliland Cismaan saxardiid Cadaani oo soo afmeeray kulankaasi ayaa bulshada gobolka uga digay waxyaalaha ka reebaya gobolada kale ee Somaliland isla markaana ay ka kaw tahay qabyaaldu,iasagoona intaasi ku daray inay manta u eegtay maalin loo jehaystay xal u helida khilaafka ka dhex taagan dhalinyarada.

Wasiirka waxaa kaloo intaasi ku daray in madaxwaynaha Somaliland uu ku hawlanyahay sidii ay cadaaladu uga hana qaadi lahayd gabi ahaanba Somaliland taasna ay midhadhalkeedu tahay arinkan manta lagusoo afjaraayo tafaraaruqii ka taagnaa gobolka togdheer oo ay dhalinyaradu ka kaw tahay.

Sikastaba ha ahaatee gudidan loo saaray soo afjarida iyo xal u helida qabyaalada ka taagnayd mudooyinkan ayaa lagu dhawaaqi doonaa ayaamahan fooda inagusoo haya ayadoona la filaayo inay gudidaasi wax wayn ka tari doonto arimaha gobolka maadaama oo aan la kala reebin dhamaanba Bulshowaynta Degta Gobolka Togdheer

Afkashacabka.com

/Burco Office

Shaaficimaxamed@gmail.com