Hoggaamiyaha Cusub Ee Kuuriyada Koonfureed Oo Doonaya In Uu Bookhdo Kuuriyada Waqooyi.
Hogaamiyaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa la dhaariyay, khudbaddiisii u horaysayna wuxuu wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha iyo calaaqaadka ay Waqooyiga la leeyihiin.
Wuxuu sheegay in uu xataa rajaynayo in uu booqdo caasimadda Kuuriya Waqooyi ee Pyongyang marka ay timaado marxalad arrintaas ku haboon.
Moon ayaa lagu dhaariyay dhismaha baarlamaanka qaranka ee magaalad Seoul maalin uun ka dib markii uu si wayn ugu guulaystay doorashada.
Qareenkan xuquuqda aadanaha u dooda oo ah wiil ay dhaleen qaxooti ka soo qaxay Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu yaqaanaa aragti baaxad wayn oo furfuran.
Dareenka ka taagan gacanka Kuuriya ayaa wali sareeya, todobaadyadii u dambeeyayna waxaa sii korodhacay carada u dhaxaysa Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, iyadoo ay sare u kacday tuhunka sii koraya ee laga qabo tijaabo nukliyeer oo kale.
Moon ayaa sidoo kale wacad ku maray in ay midayn doono dalkan kala qaybsan ee fadeexaddii ka dhacday ay horseeday in xilka lagaga xayuubiyo madaxweynihii ka horaysay ee Park Geun-hye.
Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Khudbadii uu ka jeediyay dhaarintiisa ayuu Moon ku sheegay in uu samayn doono waxkaste oo uu awoodo si uu nabad ugu soo dabaallo gacanka Kuuriya.
"Haddii loo baahdo si dhakhso ah ayaan ugu duuli karaa Washington”, ayuu yiri. Wuxuuna sii raaciyay waxaan aadi doonaa Beijing iyo Tokyo iyo xataa Pyongyang marka ay xaalad ku habboon timaaddo.
Wuxuu intaas ku duray in uu "wadahadallo xeel dheer” kala yeelan doono Maraykanka iyo Shiinaha hubka difaacca gantaalaha ee Thaad loo yaqaanno oo dalkiisa lagu rakibay.
Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionMoon ayaa sidoo kale booqday xabaalaha qaranka Subaxnimadii Arbacada si uu u siyaarto halyeeyadii dagaalka iyo madaxweyneyaashii hore ee geeriyooday
Kuuriyada Waqooyi wali si rasmi ah ugama aysan hadlin guusha Moon iyo khudbaddiisa toona.
Horay ayaa loo bidhaamiyay in Moon uu ahaa murashaxa ay doorbidayeen in uu guulaysto.
Madaxweynahan 64 jirka ah ee ka soo jeeda xisbiga Democratic Party ayaa sidoo kale ballan qaady in uu xoojin doono dhaqaalaha uuna wax ka qaban doono shaqo la’aanta haysata dhallinyarada, kuwaas oo ahaa waxyaabaha ugu waawayn ee ay ka walaacsanyihiin codbixiyeyaashu.
Waa kuma Moon?
-
Waa wiil ay dhaleen qaxooti ka soo haajiray Kuuriyada Waqooyi, Moon wuxuu ka soo mid noqday ciidammada khaaska ah ee Kuuriyada Koonfureed ka hor inta uusan noqonin qareen xuquuqda aadanaha u dooda.
-
Wuxuu u ol’oleeyay in wadahadal ballaaran lala yeesho Waqooyiga iyadoo la sii wadayo caddaadiska iyo cunaqabataynada la saarayo, arrintaas oo uu kaga aragti duwan yahay madaxweynihii ka horaysay.
-
Wuxuu doonayaa in uu isbadal ku sameeyo shirkadaha ay qoysasku maamulaan ee hareeyay dhaqaalaha dalkiisa.
-
Waaxaa la xiray 1970kii isaga oo arday ah ka dib markii uu hogaamiyay mudaaharaad ka dhan ahaa hogaamiyihii xukuumaddii milatariga ahayd ee Park Chung-hee oo ahaa Park aabaheed.
-
Wuxuu kaaliye sare u ahaa madaxwenihii hore siyaasaddiisu furfurnayd ee Roh Moo-hyun.
Hoggaamiyaha Cusub Ee Kuuriyada Koonfureed Oo Doonaya In Uu Bookhdo Kuuriyada Waqooyi.
Hogaamiyaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa la dhaariyay, khudbaddiisii u horaysayna wuxuu wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha iyo calaaqaadka ay Waqooyiga la leeyihiin.