"Saamiga Itoobiya La Siiyey Cidda Laga Goynayo Xukuumaddu Waa Inay Cadayso, Ma DP World ayaa Laga Jarayaa Mise Somaliland, Arrinkii Maamulka ee La Wadaagi Lahaana…"

0
Friday May 12, 2017 - 13:51:07 in by Burco Office
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Saamiga Itoobiya La Siiyey Cidda Laga Goynayo Xukuumaddu Waa Inay Cadayso, Ma DP World ayaa Laga Jarayaa Mise Somaliland, Arrinkii Maamulka ee La Wadaagi Lahaana…"

    Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed Oo Ka Hadlay Qodobada Ka Soo Cusboonaaday Heshiika Dekedda Berbera Iyo Khatarta Ku Gedaaman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed Oo Ka Hadlay Qodobada Ka Soo Cusboonaaday Heshiika Dekedda Berbera Iyo Khatarta Ku Gedaaman

Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo hore u soo noqday wasiirka ganacsiga iyo wasiirka hawlaha guud haatana ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay wareejinta maamulka dekedda Berbera iyo saamiga la sheegay inay Itoobiya ku leedahay.
Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo khadka telefoonka ugu waramay wargayska Somalilandtoday ayaa sheegay in balaadhinta dekedda Berbera iyo tayaynta maamulkeeda uu soo dhawaynayo shakhsi ahaan iyo xisbi ahaan, balse waxa uu sheegay in wadada la maray ay illaa hadda qaldantahay, maadaama heshiiska la qariyey, qodobo aan la isku ogayna ay hadda soo shaac baxeen, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
"Horta ugu horayn in dekedda Berbera la wanaajiyo oo la balaadhiyo, maamulkeeda la wanaajiyo, suuqna loo raadiyo waanu soo dhawaynaynaa, laakiin waa inay noqotaa mid dalka iyo dadka waxtuar u leh, markii arrinka la soo dhigay sherkado waaweyn oo caalami ah baa yimi waxay ahayd in la baahiyo oo loo tartamo isla markaana shirkadda ugu haboon sifo sharci ah loogu wareejiyo”
Cabdirisaaq Khaliif oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay haboonayd in heshiiska lagu xuso wixii ay Somaliland xaq u leedahay iyo waxa ay heshiiska ka faa’iidayso iyo sidoo kale haddii mid ka mid ah labada dhinac uu saamigiisa iibinayo waxyaabaha looga baahan yahay, waxaana uu xusay in heshiiskii umadda la soo hordhigay uu ahaa guud ahaan mid aan tifaftirnayn oon laga baaraandegin, waxaana uu yidhi "Arrinka maamulka waxay ahayd in heshiiska lagu qeexo, Somaliland iyo DP World iyo haddii gacan saddexaad timaado, xuquuqda Somaliland yeelanayso, ta DP World yeelanayso, haddii ay DP World saamigeeda iibinayso, in arrimahaas lagu cadeeyo ayay ahayd laakiin in heshiiska la qariyo oo golahana jujuub lagu dhaafiyo may ahayn, xalaal iftiinbaa la qashaa markaa runtii xukuumaddu dadka ha qanciso, waxba yaanay odhan horumarka ayaa laga soo horjeeda, waar horumarka waa la soo dhawaynayaa laakiin in meel hoosteed marba cid lagula shiro iyo niman xaqul qalin qaatay ayay dadku runtii ka biyo diidsan yihiin”.
Xoghaya maaliyadda ee xisbiga WADDANI Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay saamiga Itoobiya laga siiyey dekedda Berbera, mar uu arrinkaas ka hadlyay ayuu yidhi:
"Runtii Itoobiya waa suuqa ugu wayn ee Dekedda Berbera yeelanayso, waanan soo dhawaynayaa in la soo jiito ama adeeg wanaagsan oo loo fidiyo ha lagu soo jiito ama saami la siinayo ha lagu soo jiitee, laakiin arrinka muhiimka ahi waxa weeye, saamigan 19% ee Itoobiya la siiyey halkeebuu ka go’ayaa ma Somaliland mise DP World, mise labada dhinacba wuu ka go’ayaa, haddii labada dhinacba laga jaro, iyaga (DP World) 12-13% ayaa ka go’aya, inaga 6% ayaa inaga go’ayaa markaa waa in xukuumaddu arrinkaas bulshada u cadaysaa”
Ugu dambayn masuulkan mucaaridka ah ayaa dhaliilay habka ay xukuumaddu maamulka ugu wareejiysay sherkadda DP World, waxaana uu sheegay in sidii heshiisku dhigayay aan maamulkii la wadaagin ee hal dhinac lagu wada wareejiyey, "Arrinka kale ee muhiimka ah ee aan doonayo inaan ka hadlo waxa weeye dhinaca maamulka waxaynu illaa hadda ognahay inaan dekedda waxba lagu soo kordhin mudadii ay joogeen, markaa nimankan yaa la xisaabtamaya, ilayn maamulkii waa la wareejiyey oo cid gaar ahbaa lagu wareejiyey, inaguna maamulka lama lihin. Sida ay shaqaalaha ula dhaqamaan, haddii ay Karraanigii iyo kii IT-ga ahaa, iyo kii maamulka ahaa dibadda ka keensadaan ma shaqo abuur bay soo kordhiyeen mise shaqo la’aan, markaa cidda waxaas oo dhan kala xisaabtamaysa waa inay xukuumaddu cadayso oo ay bulshada shaki saartaa” ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.