Kuuriyada Waqooyi Shaacisay Inay Wada-hadal La Geli Doonto Maraykanka

0
Sunday May 14, 2017 - 11:15:21 in by salman abdi
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi Shaacisay Inay Wada-hadal La Geli Doonto Maraykanka

    Kuuriyada Waqooyi Shaacisay Inay Wada-hadal La Geli Doonto Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Waqooyi Shaacisay Inay Wada-hadal La Geli Doonto Maraykanka.

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa ku warantay in Kuuriyada Woqooyi sheegtay in ay wada hadal la geli doonto Maraykanka "hadii duruufuhu saamaxaan.”


Ka dib markii uu kula kulmay saraakiil hore oo ka tirsanaa dawladda Maraykan dalka Norway, ayaa dublamaasi sare oo u dhashay Kuuriyada Woqooyi sheegay in wada hadal maamulka Trump lala galaa suurto gal yahay.

Bishan horaanteedii ayaa madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, wuxu sheegay in ay "sharaf u tahay” in uu la kulmo Kim Jong-un.

Hadaladani waxay soo baxeen dhawr bilood oo xiisadda ka taagan barnaamijka nukliyeerka iyo gantaalaha Woqooyiga Kuuriya cirka isku shareertay.

Choe Son-hui, oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda Woqooyiga Kuuriya oo madax ka ah qaybta xidhiidhka Maraykanka ayaa warfidiyeenka ugu sheegay magaalada Beijing in wada hadallo dhex mara Pyongyan iyo Washington yihiin arin tixgalinteeda mudan.