Haween Ka Tirsan Qoyska Reer Al-Nahyan Oo Maxkamadi Kaga Socoto Dal Yurub Ku Yaalla

0
Monday May 15, 2017 - 09:11:38 in by Burco Office
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haween Ka Tirsan Qoyska Reer Al-Nahyan Oo Maxkamadi Kaga Socoto Dal Yurub Ku Yaalla

    Haween Ka Tirsan Qoyska Reer Al-Nahyan Oo Maxkamadi Kaga Socoto Dal Yurub Ku Yaalla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haween Ka Tirsan Qoyska Reer Al-Nahyan Oo Maxkamadi Kaga Socoto Dal Yurub Ku Yaalla

-Siddeed kamid ah haweenka amiirrada Carabta, ayaa dacwad lagaga soo oogay maxkamad ku taal Brussels waxaana lagu eedeeyey in ay shaqaalahoodii jidh dileen intii ay magaaladaa joogeen.

Shaykha Xamda Al-Nahyan iyo toddobadeeda hablood ayaa kiraystay dabaq dhan oo ka mid ah hudheel kuwa raaxada ah waxaanay degenaayeen muddo siddeed bilood ah sannadkii 2008-dii.

Waxa ay shaqaale ka badan 20 qof kala tageen Imaaraadka Carabka waxaana lagu eedaynayaa in ay shaqaalahaa ku hayeen duruufo adoonsi u dhaw.

Shaqaalaha dacwoonaya ayaa sheegay in loo diidi jiray in ay ka baxaan hudheelka oo lagu khasbi jiray in ay cunaan hambada amiiradaha.

Dumarkan amiirada ah waxa maxkamaddu ku socotaa iyagoo ka maqan Brussels waxaana sidoo kale dawcadda lagu soo oogay kula jira nin Hindiyad ah oo shaqaalaha u soo qoray.

Hadii lagu helo dambiyadaa lagu soo eedeeyey waxay mudan doonaan in lagu xukumo in ay bixiyaan boqolaal kun oo Euro oo mag dhaw ah iyo xataa xabsi.

Laakiin dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in aanay ka suurto geli karin dalka Imaaraadka in ay aamiradahaa u dhiibaan Belgium-ka ama lagu xidhoba dalkooda gudihiisa.