Shirkadda Microsoft Oo Digniin Cusub Ka Soo Saartey Weeraradii Lagu Qaadey Computerada Ilaa 150 Waddan.

0
Monday May 15, 2017 - 09:20:13 in by Burco Office
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Microsoft Oo Digniin Cusub Ka Soo Saartey Weeraradii Lagu Qaadey Computerada Ilaa 150 Waddan.

    Shirkadda Microsoft Oo Digniin Cusub Ka Soo Saartey Weeraradii Lagu Qaadey Computerada Ilaa 150 Waddan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Microsoft Oo Digniin Cusub Ka Soo Saartey Weeraradii Lagu Qaadey Computerada Ilaa 150 Waddan.

Shirkadda Microsoft ayaa sheegaysa in weeraradii jimcihii lagu qaaday computerada ilaa 150 waddan ay tahay in dowladaha caalamka ay u arkaan mid uun billow ah oo ay tahay inay wax ka qabtaan.

Microsoft waxa ay sheegtay in shirkado badan ay ku guul dareysteen in ay hannaankooda koombiyuutarada casriyeeyaan, arrintaas oo ay sheegayaan in ay sababtay in Virus-ku uu faafo.

Sida ay sheegayaan khubarada farsamada casriga ah, Viruskan ayaa si gaar ah uu u beegsanaya qaybta gabowday ee aaladda Microsoft’s Windows, arrintaa oo markii hore ay shaaciyeen sirdoonka mareykanka.

Waxaana hadda jirta cabsi ah in khatartu ay ka sii dari doonto maanta oo isniin ah oo dad badani ay ku soo laaban doonaan shaqooyinkooda balse ilaa hadda waddamada Kuuriyada Koonfureed iyo Australia ayaa durbaba soo sheegaya viruskaasi.

Shirkada microsft ayaa sheegtay in weerarkii dhanka internetkii ee ilaa iyo jimcihii lagu qaaday 150 dowladood oo caalmka ah, ay tahay in guud ahaan caalamka uu arko xasuusin lagu baraarugo.

Shirkada weyn ee Microsoft ayaa sheegtay in barnaamijyada qadiimiga ah ee macaamiishu adeegsadaan ee aan la cusbooneysiin ay sababtay waxyeelo balaaran.

Waxaa jira baqdin weyn oo laga qabo weeraro dheeraad ah oo dhacay, iyada oo dadku ay shaqooyinkooda kusoo laabnayaan maanta oo isniin ah.

Shirkada badan ayaa diyaarsaday khubaro labadii maalmood ee lasoo dhaafay si ay uga hortagaan viras cusub.

Burcada Viraska ku weerartay computerada ayaa la wareegay feelasha mcaamiisha iyaga oo kooxdani dalbanaya 300 oo dollar si macaamiisha dib loogu soo celiyo isticmaalka feelashooda.

Baahitaanka viraska ayaa hakiyay howlihii macaamiisha fasaxii asbuuca, balse dib u habeynta ayaa laga yaabaa in ay qaadato saacado y;ar, sida ay khubarada ka digtay.

Inka badan laba boqol oo kun oo computer ah ayaa ilaa iyo haatan viruska saameeyay.