Shan Qof Oo Ku Dhintay Roobab Ka Da'ay Maamul Gobolleedka Puntland

0
Monday May 15, 2017 - 09:23:29 in by Burco Office
  • Visits: 692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Qof Oo Ku Dhintay Roobab Ka Da'ay Maamul Gobolleedka Puntland

    Shan Qof Oo Ku Dhintay Roobab Ka Da'ay Maamul Gobolleedka Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan Qof Oo Ku Dhintay Roobab Ka Da'ay Maamul Gobolleedka Puntland

Roobab xooggan ayaa ka da’ay deegaano ka tirsan Maamul Gobolleedka Puntland, kuwaasi oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Sidoo kale roobabkaasi ayaa la sheegayaa in ay sababeen dhimashada ilaa 5 qof, isla markaana daadadka ka dhashay ay hakad geliyeen isusocodka gaadiidka.

Togga Dur-dur oo magaalada Bosaso u jira 80 KM ayaa waxaa jooga gaadiidd aad u fara badan oo ka kala yimid gobolada Maamul Gobolleedka Puntland iyo Somaliland kuwaasi oo u suurta gelin in toggaasi maraan.

Qaar ka mid ah derawalada gaadiidka waaweyn ee ku sugan toggaasi ayaa sheegay in muddo lix saacood ah ay ku xanibnaayeen togga Dur-Dur, isla markaana aysan u suurta gelin in ay safarkoodii sii wataan.

Roobabkan ka da’ay Maamul Gobolleedka Puntland ayaa ku soo beegmay xilli abaaro daran ay ka jireen goboladaasi.