Madaxwayne ku-xigeenka JSL Ahna Guddomiyaha Guddida Taakulaynta Abaaraha Oo Lacag dhan Todobaatan Milyan Ah Ka Guddomay Ciidanka Asluubta Somaliland.

0
Wednesday May 17, 2017 - 17:56:15 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne ku-xigeenka JSL Ahna Guddomiyaha Guddida Taakulaynta Abaaraha Oo Lacag dhan Todobaatan Milyan Ah Ka Guddomay Ciidanka Asluubta Somaliland.

    Madaxwayne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida taakulaynta abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida taakulaynta abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland

 sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ka guddomay qadar lacageed oo dhan 70,825 Milyan SLSH (Todobaatan milyan iyo sideed boqol iyo shan iyo labaatan kun oo shilinka Somaliland ah) lacagtaasi oo ay iska soo ururiyeen dhamaan ciidanka Asluubta ee somaliland iyagoo ugu tallo galay inay kaga qayb qaataan gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen.

Kulankaasi oo ay kasoo qayb galeen xubno sare oo ka socday guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha iyo saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun waxaanu yidhi "Madaxweyne ku-xigeen waxaan halkan kugu wareejinayaa qadar lacageed oo dhan 70,825 Milyan SLSH oo ay iska soo ururiyeen ciidanka Asluubta Somaliland, mushaharaadkoodana ka jareen si ay uga qayb qaataan u gurmashada walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen".

Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isna halkaasi kalmad mahadnaqa ka jeediyay ayaa yidhi "Aad baan ugu mahad celinayaa Ciidanka Asluubta Somaliland oo si naxariisi ku dheehan tahay isaga soo ururiyay lacagtan,marka loo eego dadkeenii abaaruhu saameeyeen waa wax weyn lacagtani, inagoo ogsoon lacagta ay qaataan ciidankeenu hadana waxaan aad ugu faraxsanahay in aan arko iyagoo gurmanaya". ayuu yidhi Madaxwayne Ku-xigeenka JSL.