Xannuuno Qarniyo Ka Hor Laga Dabar Jaray Dalalka Bariga Dhexe Oo Dib Ugu Soo Noqday Dad Badana Dilay

0
Thursday May 18, 2017 - 10:20:26 in by Burco Office
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xannuuno Qarniyo Ka Hor Laga Dabar Jaray Dalalka Bariga Dhexe Oo Dib Ugu Soo Noqday Dad Badana Dilay

    Xannuuno Qarniyo Ka Hor Laga Dabar Jaray Dalalka Bariga Dhexe Oo Dib Ugu Soo Noqday Dad Badana Dilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xannuuno Qarniyo Ka Hor Laga Dabar Jaray Dalalka Bariga Dhexe Oo Dib Ugu Soo Noqday Dad Badana Dilay

-Dhibaatooyinka badan ee ay abuureen dagaaladii ka dhacay Dalalka Bariga dhexe xilliyadii hore ayaa waxay kaga tageen xanuuno dad badani ku naf waayeen oo ay ka mid ah yihiin Faaliga ku dhaca Carruurta iyo Daacuunka ama xannuunka shuban-biyoodka.


Warbixin ay soo saartay Laanqayrta cas ee Adduunku ayaa waxay ku cadaysay in dhibaatooyinka iyo dagaaladu ka tageen Dalalka bariga dhexe ay si toos ah u baabiinayaan adeegyada caafimaad.
Dalalka ugu badan ee ay xanuunadaasi dib ugu soo noqdeen waa Suuriya iyo Yeman oo ay Dagaalo ka socdaan sanado dhawr ah.

Sidoo kale, warbixintu intaasi waxay ku dartay in Biyaha laga cabo Dalalkaasi ay sabab u yihiin xanuunadan aan soo sheegnay waayo?, waxay Dadku Cabaan Biyo aan nadiif ahayn.

Si kasataba ha ahaatee Dalalka Bariga dhexe ee aynu soo sheegnay ayaan muddooyin aad u dheer lagu arag xanuunadani, balse markii ay dhibaatooyinkaasi ka bilaabmeen Dalalkaasi wax dib usoo baxay xanuuno qarniyo kahor laga dabar jaray Dalalkaasi.