Xukuumadda Oo Ka Jawaabtay Walaacii Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Ka Muujiyay Geedi Socodka Doorashooyinka Somaliland

0
Saturday May 20, 2017 - 15:41:15 in by salman abdi
  • Visits: 607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo Ka Jawaabtay Walaacii Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Ka Muujiyay Geedi Socodka Doorashooyinka Somaliland

    Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay walaacii uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ka muujiyay geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay walaacii uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ka muujiyay geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.


Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa warbixintiisii u dambaysay ee uu u gudbiyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay wuxuu walaac kaga muujiyay dib u dhaca doorashooyinka Somaliland, "Waxaan aad uga walaacsanahay dib-u-dhaca soo noqnoqday ee ku yimid doorashada madaxweynaha iyo baarlamanka Somaliland. Arrintaas oo si tartiib-tartiib ah u burburinaysa ballantii iyo aaminaddii marka hore soo xoogaysanaysay ee lagu qabay geeddi-socodkeeda dimuqraadiyadda Somaliland. Waxa aan maamulka Somaliland ugu baaqayaa, in ay dib u eegis ku sameeyaan wareegga doorashada oo ay u dejiyaan jadwal ku yimid wada tashi loo dhan yahay.” sidaas ayuu yidhi xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay.

Haddaba, idaacadda BBC-da qaybta Focus on Africa, ayaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Sacad Cali Shire weydiisay, bal waxa uu kaga jawaabayo walaaca xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaanu Wasiir sacad sheegay in dib u dhaca doorashooyinkaas ay sababeen abaaro adag oo dalka ka dhacay, "Annaguba kuma faraxsanin dib u dhacyadaas.” ayuu yidhi Wasiir Sacad oo intaas raaciyay inay dib u dhaca keeneen abaaro aadag oon hore uga dhicin Somaliland oo sanadkan la arkay, "Marnaba suurtogal may noqoteen in doorashooyin la qabto bishii March ee sannadkan, abaaraha jiray dartood, waxaanuse doorashada qabanaynaa bisha November ee sannadkan.” ayuu yidhi Wasiirku.

Mar la weydiiyay bal inuu damaanad qaadi karo inay doorashooyinku dhacayaan bisha November, wuxuu sheegay inay hubaal tahay inay doorashooyinku dhacayaan bisha November ee sannadkan.