DAAWO: Gabadh Yar Oo Saddex Jir Ah Oo Maydkeeda Laga Helay Duleedka Deegaan Ka Tirsan Gobolka Awdal.

0
Saturday May 20, 2017 - 16:15:35 in by Burco Office
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO: Gabadh Yar Oo Saddex Jir Ah Oo Maydkeeda Laga Helay Duleedka Deegaan Ka Tirsan Gobolka Awdal.

    : Gabadh Yar Oo Saddex Jir Ah Oo Maydkeeda Laga Helay Duleedka Deegaan Ka Tirsan Gobolka Awdal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

: Gabadh Yar Oo Saddex Jir Ah Oo Maydkeeda Laga Helay Duleedka Deegaan Ka Tirsan Gobolka Awdal.

yar oo da’deeda lagu qiyaasay 3 sanno jir isla markaana muddo la la’aa ayaa iyada oo la gawracay waxa laga helay deegaan u ka tirsan degmada Baki ee gobolka Awdal.

Gabadhan yar oo la waayey sida ay waalidked xaqiijiyeen 8 bishan ayaa waxa maalinkii Khamiista ay ciidamada Booliska gobolka Awdal ay maydka gabadhaa yar ka heleen deegaanka Geed Jicile oo ka tirsan degmada Baki ee gobolka Awdal.

Gabadhan yar oo aan magaceeda la shaacin balse lagu sheegay oo kaliya Ina Cumar Caateeye ayaa waxay la helay iyada oo ay gabdhan ku yaalaan dhaawacyo loogu gaystay Mindi isla markaana la bireeyey oo la gawracay,waxaana ay xaafadooda ka maqnayd muddo 10 cisho ah iyada oo aan la garanayn cidd qaadatay iyo cidda dilkan arxan darada ah u gaystayb.

Ciidamada Booliska gobolka Awdal ayaa ilaa hadda ku jira soo qabashada ciddi falkan arxan darada ah gaysatay ee sida xun u gawracday gabadhan yare e da’deedu tahay 3 jir taas oo muddo Toban cisho ah lala’aaa.

by axmed shaafi/burco office