Kuuriyadda Waqooyi Oo Gantaal Cusub Tijaabisay Iyo Halka Uu Ku Dhacay

0
Sunday May 21, 2017 - 14:59:49 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyadda Waqooyi Oo Gantaal Cusub Tijaabisay Iyo Halka Uu Ku Dhacay

    Xafiiska taliska guud ee ciidammada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in gantaalka la riday gelinkii dambe ee waqtiga maxalliga ah ee maanta oo Axad ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska taliska guud ee ciidammada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in gantaalka la riday gelinkii dambe ee waqtiga maxalliga ah ee maanta oo Axad ah.

Tijaabada ayaa imanaysa todobaad un kaddib markii Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay wax ay ku sheegtay inuu ahaa nooc cusub oo ah gantaallada awoodda u leh inay xambaaraan madax nukliyeer oo ballaaran.

Isniintii la soo dhaafay, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale waxa uu ka dalbaday Pyongyang in aanay sameyn tijaabooyin kale oo dheeraad ah.

Waxa uu goluhu qeexay muhiimadda ah in Kuuriyada Waqooyi ay durbadiiba muujiso sida ay



uga go'an tahay in ay baabi'iso hubkeeda nukliyeerka iyadoo qaadaysa tallaabo dhab ah.

 

Gantaalkan ugu dambeeyay ayaa waxa uu jaray 500km, xafiiska taliska guud ee ciidammada Kuuriyada Koonfureed ayaa sidaasi sheegay, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Yonhap ee dalkaasi, wuxuuna gantaalka u duulay dhinaca badda Japan.

Gantaalkii la tijaabiyay todobaadkii hore waxa uu jaray ilaa 700km.

Wakaaladaha wararka Japan ayaa sheegay in gantaalka ay u badan tahay inuu ku dhacay meel ka baxsan biyaha Japan.

Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in gantaalkan ugu dambeyay uu u muuqdo in ridadiisu ay ka gaaban tahay gantaaladdii ay Kuuriyada Waqooyi ku adeegsatay saddexdii tijaabo ee ugu dambaysay.

Xigasho BBC-da