Kooxaha Real Madrid Iyo Chelsea Oo Ku Guulaystay Horyaaladii Dalalkooda Iyo Arsenal Oo Labaatan Sano Ka Dib La Kulantay Dhacdo La Yaab Ku Noqotay+Sawiro
Kooxda Chelsea oo wakhti horaba ku guulaysatay horyaalka xamaasada badan ee dalka Ingiriiska ayaa la gudoonsiiyey koobkii, ka dib markii ay ciyaartii ugu dambaysay shan gool iyo hal gool ku xasuuqday kooxda Sunderland oo u dhaadhacday horyaalka labaad ee dalka Ingiriiska.
Kooxda Chelsea oo sanadkan wacdaro ka dhigtay horyaalka Ingiriiska ayaa ciyaartii ugu dambaysay garoonkeeda Stamford Bridge ku marti galisay kooxda Sunderland iyada oo ay ahayd ciyaartii ugu dambaysay ee
uu u ciyaaro kabtanka waayaha badan la soo qaatay ee John Tery.
Goolal ay kala dhaliyeen ciyaaryahanada Eden Hazard, Pedro Rodriguez, Michy Batshuayi, Michy Batshuayi oo kooxda Chelsea u saamaxay inay si fudud kaga badiso Sunderland, waxaana garoonka lagu gudoonsiiyey koobkii horyaalka ee ay ku guulaysatay.
Dhinaca kale waxa uu tartan xoogani ka taagnaa horyaalka wadanka Spain iyada oo kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ay si weyn iskugu hayeen cidii qaadi lahayd koobka Laliga.
Labadan kooxood ee xafiiltanku ka dhaxeeyo ayaa isla gaadhay ciyaartii ugu dambaysay, iyada oo kooxda Real ay ku hogaaminayso horyaalka sadex dhibcood oo saafi ah, waxaanay ciyaartii ugu dambaysay wajahday kooxda Malaga, halka kooxda Barcelona ay marti galisay kooxda Eibar.
Kooxda Real oo looga baahnaa inay barbarayso ama ay badiso si ay koobka ugu guulaysato ayaa guul fiican ka gaadhay kooxdii ay martida u ahayd ee Malaga, waxaanay kaga badisay laba gool iyo hal gool iyada oo ciyaaryahanada Ronaldo iyo Benzema ay u kala dhaliyeen labada gool.
Dhacdo LabaatanSano Ka Dib La Kulantay Kooxda Arsenal.
Kooxda Arsenal ayaa mudo ku dhaw labaatan sano ka dib ka hadhay tartanka kooxaha qaarada yurub ee loo yaqaano Champion Leage.
Kooxda Arsenal ayaa kaalinta shanaad ka gashay horyaalka dalka Ingiriiska, taas oo suura gal ka dhigtay in kooxdaasi ka hadho horyaalka kooxaha qaarada Yurub oo aan mudo badan laga reebin.
Kooxda Liverpool ayaa booskii afaraad ee ay kooxda Arsenal caanka ku ahayd ka cidhiidhsatay iyada oo ka mid noqon doonto kooxaha is reeb reebka u soo galaya tartanka Champion Leage.
Kooxaha Real Madrid Iyo Chelsea Oo Ku Guulaystay Horyaaladii Dalalkooda Iyo Arsenal Oo Labaatan Sano Ka Dib La Kulantay Dhacdo La Yaab Ku Noqotay+Sawiro
Inta badan waxa la soo gaba gabeeyey horyaalada kubada cagta ee ugu xiisaha badan caalamka, iyada oo ciyaarihii ugu dambeeyeyna lagu kala calaf qaaday.