Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Kordhiyey Wakhtiga Xaaladda Deg-degga Ah.

0
Tuesday May 23, 2017 - 09:01:56 in by Burco Office
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Kordhiyey Wakhtiga Xaaladda Deg-degga Ah.

    Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Kordhiyey Wakhtiga Xaaladda Deg-degga Ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Kordhiyey Wakhtiga Xaaladda Deg-degga Ah.

-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sii kordhiyey waqtiga xaaladda deg degga ah ee dalkaas lagu soo rogay kadib afgambigii dhicisoobay ee bishii July ee 2016 ka dhacay dalkaas.


Erdogan waxa uu sheegay in amarkan uu sii jiri doono illaa inta dalka uu ka helayo "Wanaag iyo xasilooni”

Madaxweynaha Turikga ayaa axaddii tobanaan kun oo qof kula hadlay magaalada Ankara kadib markii Xisbigiisa Caddaaladda iyo Horumarka ay dib ugu doorteen inuu hoggaamiyo.

"Kuwa ururada argagixisada u adeegsada inay na waxyeeleeyaan waxa ay dhowaan ogaan doonaan qaladka ay ku dhex jiraan. Waxaan dhibaaotooyinkeena xallin doonaa, innaga oo kaashaneyna xulufadeena iyo saaxiibadeena. Hase yeeshee marka fursadaha la waayo iskama istaagi doonno inta aan gacmaha isa saarano” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Xaaladda deg degga ah ee dalka Turkiga la saaray ayaa u ogolaaneysa Erdogan iyo golihiisa wasiirada inay soo saaraan amarro ayaga oo aan ansixin uga baahneyn baarlamanka iyo hay’adaha garsoorka.