Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump Oo La Kulmaya Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaad
- Visits: 454
- (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump Oo La Kulmaya Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaad
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa la kulmi doona hogaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaad, isaga oo ku jira maalintii u dambaysay ee booqashadiisa bariga dhexe.
Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaan wadahadal toos ah yeelanin in kabadan saddex sano, Trump ayaana qiray in arrintani ay tahay mid ka mid ah "xaaladaha aadka u adag”.
Isniintiina wuxuu carrabka ku adkeeyay calaaqaadka xoogga badan ee ay leeyihiin Maraykanka iyo Israa’iil.
Sidoo kale wuxuu ka digay halista ka soo foolleh Iiraan ee ku wajahan beesha caalamka, arrintaas oo uu horanayna uga soo dhawaajiyay intii uu ku sugnaa Sacuudi Carabiya.
Trump ayaa Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu u sheegay in Iiraan aysan waligeed yeelan doonin hub nukliyeer ah.
Booqashadan labada maalmood ah ee uu ku marayo Israa’iil iyo dhulka Falastiiniyiinta ayaa qayb ka ah safarkiisii u horreeyay ee Trump uu ku tago dalka dibaddiisa.