Kooxda Al-Shabaab Oo Tababar U Soo Xidhay Dagaalyahano Ka Soo Jeeda Waddanka Kenya+ SAWIRRO

0
Tuesday May 23, 2017 - 09:39:39 in by Burco Office
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Al-Shabaab Oo Tababar U Soo Xidhay Dagaalyahano Ka Soo Jeeda Waddanka Kenya+ SAWIRRO

    Kooxda Al-Shabaab Oo Tababar U Soo Xidhay Dagaalyahano Ka Soo Jeeda Waddanka Kenya+ SAWIRRO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Al-Shabaab Oo Tababar U Soo Xidhay Dagaalyahano Ka Soo Jeeda Waddanka Kenya+ SAWIRRO

Xarakada Al-Shabaab ayaa tababar u soo xidhay dagaalyahano ka soo jeeda Kenya, kuwaasoo ka mid noqonaya dagaalamayaasha Al-Shabaab oo weeraro ku qaadaya gudaha Kenya.

 

Muuqaal Video ay baahisay garabka warbaahinta Al-Shabaab ee loo yaqaano Al-kataib ayaa waxaa ka soo muuqday dagaalyahano xirnaa dharka milateriga, wajigana u duubnaa, kuwaasoo dhoolatus ku sameynaya goob howdah oo ay beero ku yaallaan.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa la hadlay dagaalyahanadan Kenyanka ah, waxaa auu sheegay inay ku soo biireen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya ciidamadan cusub ay weeraro ku qaadi doonaan gudaha Kenya, waxaana uu kula dar daarmay inay si adag ula dagaalamaan dowladda Kenya.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay qorteen dhalinyaro Kenyan ah, waxaana la sheegay in boqolaal dagaalamayaal u dhashay Kenya ay ka bar bar dagaalamaan.