Maydadka Dhalinyaradii Diyaaraddu Ku Duqaysay Biyaha Dalka Yamen Oo La Shaaciyey Wakhtiga La Aasayo Iyo Kuwii Xabsiyada Ku Jiray Oo Lasii Daayey.

0
Tuesday May 23, 2017 - 20:45:55 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maydadka Dhalinyaradii Diyaaraddu Ku Duqaysay Biyaha Dalka Yamen Oo La Shaaciyey Wakhtiga La Aasayo Iyo Kuwii Xabsiyada Ku Jiray Oo Lasii Daayey.

    Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Magaalladda Cadan ee dalka Yemen Danjire Axmed Cabdi Xasan Suudaani, ayaa sheegay in xabsiyada laga sii daayay Qaxootigii Soomaaliyeed ee ka badbaaday doontii lagu duqeeyey xeebaha magaalladda Xudayda ee dalka Ye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Magaalladda Cadan ee dalka Yemen Danjire Axmed Cabdi Xasan Suudaani, ayaa sheegay in xabsiyada laga sii daayay Qaxootigii Soomaaliyeed ee ka badbaaday doontii lagu duqeeyey xeebaha magaalladda Xudayda ee dalka Yemen horraantii bishii Maarij ee sanadkan 2017.
Qunsulka ayaa dhinaca kale sheegay in bukaanada duqeyntaasi ku waxyeeloobay dhaawacyadooda in loo soo wareejiyay magaallada Cadan, halkaas oo hadda lagu daweynayo,safiirka ayaa hoosta ka xariiqay in hadda lagu guuleystay siideynta 115 Qaxooti Soomaaliyeed ah oo Isugu Jiray Caruur, Haween iyo rag waxaana uu yidhi.


 

 

"Qaxootiga laga soo daayey xabsiyada xudayda tiro ahaan waxa ay gaarayan 86 Rag ah iyo 27 Dumar iyo 2 Caruura, waxaana loo sameynayaa baaritaano caafimaad ka hor inta aan loo soo qaadin Cadan, si ugu dambeyn loogu soo daad gureeyo dalkoodii hooyo” ayuu yiri Mudane Axmed Suudaani.


Sidoo kalena safiirka Somaliya u fadhiya Cadan waxa uu ka dhawaajiyey in maydadka 31 qof oo ku jirey doontii ay diyaaraddu ku duqaysay xeebaha dalka Yamen la aasi doono maalinka Khamiista ee fooda inagu soo haysa waxaana uu yidhi.


"Maalinta khamiista oo ay taariikhdu ku beegantahay 25 May 2017 ayaa la aasi doonaa Meydadka 31-kii ruux ee ahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu laayay Dooni ay la socdeen, waxaana arrintaasi si gaar ah aan uga mahad celiyey hay`adda ICRC iyo jaalliyada Soomaaliyeed ee Sanca oo gacan ka gaystay”, sidaas ayuu hadalkiisa uu sii raaciyay


Qoxuuntigan Somalida ah ee qaarna xabsiyada laga sii daayey xabsiyada ay ku jireen,qaarna la dawaynayo ee loo soo qaaday cusbitaalada dalka magaalada Cadan qaarna maalinka Khamiista la aasayoo maydadkooda ayaa waxay ahaayeen dhalinyaro somaliyeed oo iskugu jiray rag dumar iyo caruur oo ay diyaaradd aan ilaa hadda haybteeda la garanayn ay xasuuq duqayn ah ugu gaysatay Biyaha dalka Yamen gaar ahaana Biyaha Magaalada Xudayda ee dalka Yamen.