Maareyaha Wakaaladd Biyaha Berbera oo ka Cago jiidaya Xilwarejintiisa iyo Dhaqamo Ceeb ku ah Nidaamka Dawladnimo oo u ku kacay

0
Wednesday May 24, 2017 - 08:40:33 in by salman abdi
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareyaha Wakaaladd Biyaha Berbera oo ka Cago jiidaya Xilwarejintiisa iyo Dhaqamo Ceeb ku ah Nidaamka Dawladnimo oo u ku kacay

    Wasiirka Biyaha Somaliland aya Todobaadkii hore Mareeye cusub usoo magacabay wakaaladd Biyaha Berbera Waxana magacaabidii wasiirka ee maareeyaha cusub ay u cuntami wayday maareeyihi hore wakaalada biyaha kayd cabdilahi xandule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Biyaha Somaliland aya Todobaadkii hore Mareeye cusub usoo magacabay wakaaladd Biyaha Berbera Waxana magacaabidii wasiirka ee maareeyaha cusub ay u cuntami wayday maareeyihi hore wakaalada biyaha kayd cabdilahi xandule

iyadoo dhowr jeer ooh ore lag furfuri kari waayey xilkaasi isl amarkasn uu inta badan kursiga ku hayn jiry maayarka degmda berbera oo mrki danbe xataa sameeyey guddi Maamulaysa Biyaha magaalada Berbera.

Haddaba nidamyadaasi aan waafaqsanyn habka dawladnimada, mamulka iyo kala danbaynta ee uu hore ugu soo caano maalay ayuu wali maareye kayd ku rajo weynyahay inay sidi hore u dhacdo oo an laga rogin kursiga wallow aanu doorkan haysanin cid la riixda oo kursiga ku sii haysa,

Maareeyaaha cusub ee wakaladda berbera loo so magacaabay oo la yidha axmed adan ismaciil ayaa maalmahan u danbeyey codsanayey in xilka lagu wareejiyo balse arrimahaas waxa ka cago jiidaya mareeye kayd iyo kooxdiisa waxanay arrintani ceeb ku tahay nidaamka dawladnimo iyadoo magacaabida maareeyaha cusub uu wasiirka wasaaradaasi usoo maray dariiqi sharciga ahaa iyo awoodihiisi dastuuriga ahaa ee u ogolaanayey inu isku bedelo ama shaqada ka caydhiyo cid kasta oo adeega dhinca biyaha ee qaranka uu ku garan wayo.

Shacabka magaalada berbera oo la yaaban ficilkan aan nidaamka dawladinimo iyo kala danbaynta waafaqsanayn ayaa weli isha ku haya tallaabada iyo go’aanka ayxukuumaddu ku qaadan doonto maareeyihi wakaladda biyaha Berbera md kayse cabdilahi xandullel.