Booliiska Dalka Hindiya Oo Raadinaya Daaciga Diinta Islaamka Ee Dr. Zakir Naik +[ Sababta Iyo Danbiga Lagu Eedeeyey]

0
Thursday May 25, 2017 - 09:06:27 in by Burco Office
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliiska Dalka Hindiya Oo Raadinaya Daaciga Diinta Islaamka Ee Dr. Zakir Naik +[ Sababta Iyo Danbiga Lagu Eedeeyey]

    Booliiska Dalka Hindiya Oo Raadinaya Daaciga Diinta Islaamka Ee Dr. Zakir Naik +[ Sababta Iyo Danbiga Lagu Eedeeyey]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliiska Dalka Hindiya Oo Raadinaya Daaciga Diinta Islaamka Ee Dr. Zakir Naik +[ Sababta Iyo Danbiga Lagu Eedeeyey] - Booliiska dalka India ayaa ka codsaday Hay'adda Booliiska dunida ee loo

yaqaanno Interpol in loo soo gacan geliyo Wadaadka Muslimka ah ee Caanka ah Dr.Zakir Naik ee aasaasay Telefishinka laga faafiyo Diinta islaamka ee Peace TV.


 

 


Dacwadda ka dhanka ah Dr.Naik ee Xukuumadda India waddo ayaa la xidhiidha baadhitaan ay sheegtay dowladdaasi inay soo wadday bilihii la soo dhaafay.

Ololaha ka dhanka ah Dr.Naik ayaa bilowday sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii ay Dowladda Bangaladhesh sheegtay in mid ka mid ah raggii weeraray makhaayad ku taal magaalada Dhaka oo ay dad badan ku dhinteen inuu taageeri jiray Wadaadka Zakir Naik.


Dowladda Bangaladhesh ayaa dalkeeda ka mamnuucday Telefiishinka Dr.Naik ee Peace TV oo ay xaruntiisa ku taal magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.


Dr.Naik ayaa isagu beeniyey inuu wax taageero ah u fidiyo kooxaha xagjirka ah, wuxuuna shaaciyey Cajalad muuqaal ah oo uu kaga hadlayo ayuu ku sheegay "In Dilka xaqdarada ah uu yahay danbiga labaad ee ugu weyn ee Diinta Islaamka…”


Isla sanadkii hore ayey dowladda India xayiraad saartay hay’adda uu leeyahay Dr.Zakir Naik oo lagu magacaabo Islamic Research Foundation (IRF) oo saldhigeedu yahay magaalada Mumbai ee dalka India.


Sirdoonka India ayaa ku eedeeyay hay’adda IRF inay faraha kula jirto falal dambi ah oo la xidhiidha dhaqaalaha soo gala, taasi oo ay xukuumadda India u adeegsatay inay xayiraad kusoo rogto.


Qareenada u dooda hay’adda IRF iyo Dr.Naik ayaa sheegay in eedeyntan ay tahay mid been abuur ah oo la doonayo in si gaar ah lagula dagaalamo hawlaha faafinta Diinta Islaamka ee uu waday Dr.Naik.


Xukuumadda haysa Talada Dalka Hindiya, oo uu hoggaamiyo Raysalwasaare Narendra Modi ayaa muddooyinkii danbe cadaadis xoog leh ku hayey Muslimiinta ku nool waddankaasi oo gaadhaya boqollaal milyan.


Illaa iyo hadda lama oga goobta uu ku sugan yahay Dr.Naik, balse wuxuu markii ugu danbeysay ku sugnaa dalka Boqortoooyada Sacuudiga oo hore abaalmarin sare ee faafinta diinta Islaamka u guddoonsiisay wadaadkan u dhashay dalka India.


Dr. Zakir oo ah Dhakhtar isu beddalay wadaad faafiya Diinta Islaamka ayaa Telefishinkiisa Peace TV bilaabay sanadkii 2006, wuxuuna hore u aasaasay hay’addiisa IRF sanadkii 1991.


Dr. Zakir, ayaa la sheegay inuu ogolaaday inuu khadka telefoonka uu wareysi ku siiyo booliiska India hadii ay doonayaan inay su’aalo weydiiyaan, balse xukuumadda India ayaa ku gacansaydhay, xilli ay soo baxayaan Warar sheegaya in Dr.Naik uu dhalasho ka helay Boqortooyada Sacuudiga.


Muslimiinta ku nool dalka India ayaa aaminsan in eedeyntan Xukuumadda India la beegsatay wadaadkan ay tahay been, isla-markaana qeyb ka ah ololaha Islaam naceybka ah oo ay wado Xukuumadda hadda talada heysa ee Raysalwasaare Modi.


Dr.Naik ayaa si weyn looga yaqaan Adduunka, waxaana barta uu ku leeyahay Shabakadda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook ku xidhan 16 milyan oo qof, halka Twitterka ay kala socdaan 150 kun oo qof, kuwaasi oo si joogto ah ula socda Macluumaadka la xidhiidha Diinta Islaamka ee uu Wadaadkani faafiyo.


Telefishinka Peace TV oo dalal badan laga daawado ayaa la sheegaa inay ku xidhan yihiin ama daawadaan in ka badan 100 milyan oo Qof.


Ugu dambayn, Dr. Zakir Naik ayaa Fagaareyaasha Dunida kaga jawaaba Su’aalaha la xidhiidha Diinta Islaamka ee ay waydiiyaan Dadka Kiristaanka ah iyo kuwo aan Diinba haysan.