Qaar Ka Mid Ah Wasiirada Xukuumada Oo Cabsi Weyn Ka Qaba In Isku Shaandheynta Madaxweyne Siilanyo Galaafto + Magacyada Masuulyiin Jiif Iyo Joogba Diiday

0
Thursday May 25, 2017 - 09:30:36 in by Burco Office
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mid Ah Wasiirada Xukuumada Oo Cabsi Weyn Ka Qaba In Isku Shaandheynta Madaxweyne Siilanyo Galaafto + Magacyada Masuulyiin Jiif Iyo Joogba Diiday

    Qaar Ka Mid Ah Wasiirada Xukuumada Oo Cabsi Weyn Ka Qaba In Isku Shaandheynta Madaxweyne Siilanyo Galaafto + Magacyada Masuulyiin Jiif Iyo Joogba Diiday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar Ka Mid Ah Wasiirada Xukuumada Oo Cabsi Weyn Ka Qaba In Isku Shaandheynta Madaxweyne Siilanyo Galaafto + Magacyada Masuulyiin Jiif Iyo Joogba Diiday - Qaar ka mid ah masuulyiinta xukuumada madaxweyne Siilanyo ayaa

maalmihii ugu danbeeyey cabsi xoogani ay soo food saartey ka dib markii ay suuqa soo gaashey in seefta madaxweyne Siilanyo dul hogoneyso .


 

 


Waxaana wasiiradani inta badan ay ku mashquulsan yahiin oo wakhtigooda inta ugu badan ay ku qaatan joog joogista qasriga madaxtooyada iyada oo ay soo food saartey wel wel weyni oo ku aadan in xil ka qaadis ay haleesho .

Ilo Wareedyo wargeyska Foore uu ka helay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa iftiimiyey in madaxweyne Siilanyo go,aansadey in uu isku shaandheyn kooban ku sameeyo qaar ka mid ah golihiisa xukuumada kuwaas oo iskugu jira , Wasiiro , Wasiir ku xigeeno iyo agaasimayaal .


Sida ay xogtani sheegayso wasiirada ilaa hada sida weyn la saadalinaayo in ay safka hore kaga jiraan waxaa ka mid ah


1.Wasiirka Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane

2.Wasiirka Warshadaha Shuceyb Maxamed Muuse

3.Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Maxamuud Cabdilaahi Cige

4.Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan

5.Wasiirka wasaarada warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani .


Waxaana la sheegay in masuulyiintaasi ay isku jiraan xil ka qaadis iyo boos isku bedelid .


Sidoo kale xogahan ayaa sheegay ain doorkan la filaayo in madaxweyne Siilanyo ku soo daro golihiisa wasiirada wasiiro wajiyaal cusub .