Maamulka Puntland Oo Sheegtay Inay Dagaal Ku Qaadi-doono Somaliland, Xiisad Ka Taagan Jiida Hore Iyo Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Heegan Culus La Galiyay.

0
Thursday May 25, 2017 - 10:02:23 in by Burco Office
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Sheegtay Inay Dagaal Ku Qaadi-doono Somaliland, Xiisad Ka Taagan Jiida Hore Iyo Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Heegan Culus La Galiyay.

    Maamulka Puntland Oo Sheegtay Inay Dagaal Ku Qaadi-doono Somaliland, Xiisad Ka Taagan Jiida Hore Iyo Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Heegan Culus La Galiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland Oo Sheegtay Inay Dagaal Ku Qaadi-doono Somaliland, Xiisad Ka Taagan Jiida Hore Iyo Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Heegan Culus La Galiyay. -Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul goboleedka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey

ayaa dawlada Somaliland ku eddeeyay iney dhul ay puntland leedahey xoog ku haysato, isagoo ku goodiyay iney dagaal qaadi donaan hadii aaney Somaliland ka bixin wuxuu ugu yeedhay Sool, Sanaag Iyo cayn.


Mr. Camey madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka puntland oo uwaramay saxafiga wayn ee Cabdisalaan Herari ayaa sheegay in golada sool, sanaag iyo buhoodle ay puntland xaq u leedahey waxaanu sidoo kale carabka ku dhuftay in dadka dhulkaasi ku nool ay hayb ahaan kasoo jeedan maamul goboleedka puntland.

 

"waxan filayaa somaaliland waa Somaliland puntland-na waa puntland, Somaliland dhul ayay xoog ku haystaa puntland ay tirsaneyso dhul ahaana u tirsaneyso hadaan runta kuu sheego hadaad dhinaca somaalinimada iyo iyo qablayada tidhaahdana qabiil ahaan ku tirsanayso ee madaama taasi ay jirto puntland saddex shay ayay aaminsan tahey mid ahaan in la sameeyo ta kowaad in dadka afti laga qaado, talabaad iney ka baxod (somaliland) iyadoo aftiba laga qaadin iyo in lagu dagaalamo, puntland dagaalku iyada dagaalku wuxuu unoqonayaa talaabada ugu danbeysa”ayuu yidhi mudane Camey.

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul goboleedka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo hadalkiisa siiwata ayaa intaa ku daray”waxaanu jecelahey in beesha caalamka, Somaliland iyo puntland ay arrintan isku aragti ka noqdaan hawshan si umad badqabta iyana ay uga tagaan anana ugu tagno markaa hawsha kaliya ee na haystaa wataa ee wax kaloo dhibihi oo taagani ma jiraan haba yaraate”ayuu hadalkiisa ku sheegay Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul goboleedka Puntland

Shebekada BurcoOnline kasoo gaadhaya jiida hore ee gambadha ayaa sheegaya in ciidamada qaranka somaliland heegan buuxa la galiyay ka dib markii ciidamo ka tirsan maamulka puntland ay halkaas ka bilaabeen dhaq-dhaqaaq ciidan, iyadoo la sheegayo in labada ciidan ay hadda isku muuqdaan isla markaana wakhti kastaba la filan karo dagaal halkaa ka qarxa.

Hadalkan kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa abuuraya xiisad isku dhac ah oo ka dhex Dhalata maamulka puntland iyo dawlada jamhuuriyada Somaliland oo ku saleysan xagga dhulka, iyadoo inta badan maamulka xasarada badan ee puntland ku dooddan in Somaliland ay haysato degaano ay puntland leedahey, Balse waxaa isha lagu hayaa jawaabta xukumadda somaliland ka bixiso hadalkan kasoo yeedhay puntland.