Wasaarad Lagu Gubay Mudaharaad ka Dhacay Brazil.
Dibed baxayaal caraysan oo mudaharaad ka sameeyay caasimadda Brasilia ee dalka Brazil, ayaa dab qabadsiiyay wasaaradda beeraha ee dalkaasi, ayagoo waxyeelo gaarsiiyay wasaarado kale.
Dibed baxayaasha ayaa dalbanaya in uu xilka ka dego madaxweyne Michel Temer, doorashooyin cusub la qabto, isla markaana meesha laga saaro qorshayaasha dib u habaynta dhaqaalaha.
Dowladda Brazil ayaa sheegtay in ku dhawaad 35,000 oo qof ay ka qeyb qaadanayaan dibed baxyada ka socda caasimadda.
Ciidamo ayaa la geeyay xarumaha dowladda si ay uga difaacaan dadka mudaharaadaya, waxaana wadooyinka Brasilia lagu arkayaa boolis badan.
Madaxweyne Temer ayaa todobaadkii tegay lagu eedeeyay musuqmaasuq, waxaana sii kordhaya cadaadiska lagu saarayo in uu xilka ka dego.
Dibed baxayaasha iyo booliska ayaa gacanta isula tegay, waxaana warbaahinta Brazil ay sheegaysaa in hal qof uu ku dhaawacmay iska horimaadyadaasi, dhowr kalana la xiray.