Baarlamaanka Soomaaliya Oo Madaxweyne Farmaajo Ka Codsaday Inuu Cadeeyo Mawqifkiisa Saldhiga Iyo Dekeda Berbera

0
Thursday May 25, 2017 - 15:22:50 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Soomaaliya Oo Madaxweyne Farmaajo Ka Codsaday Inuu Cadeeyo Mawqifkiisa Saldhiga Iyo Dekeda Berbera

    Hargeysa(AFKA):-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa si rasimi ah uga gudbiyay madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo raysalwasaarahiisa inuu jawaab ka soo bixiyo heshiiska ay wada galeen Somaliland i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa si rasimi ah uga gudbiyay madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo raysalwasaarahiisa inuu jawaab ka soo bixiyo heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo dalka Imaaradka Carabta ee la xidhiidha dekeda iyo madaarka magaalada Berbera.

Baarlamaanka Somaliya ayaa sida qoraalkan ku cad doonaya inuu doodo heshiiska ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, waxaana qoraalka loo gudbiyay madaxweyne Farmaajo oo dhamaystiran uu u dhignaaWaxa uu guddoomiyaha golaha shacabka ee dalka Somaliya Jawaari uu qoraalkan oo uu diray dhawaan ku codsanayaa in golaha uu madaxweynuu horkeeno aragtidiisa heshiiskaas iyo waxa uu ka hayo waxyaabaha lagu heshiiyay.


sidan "Si waafaqsan go'aanka golaha shacabka Soomaaliya uu ku gaadhay kalfadhigii 1-aad kulankiisii 10-aad ee 25-04-2017-ka waxaanu halkan uga soo gudbinaynaa mooshin is fasiraaya oo iga soo gaadhay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka heshiiska Somaliland iyo UAE ay wada galeen ee ku saabsan dekeda Berbera iyo saldhiga Berbera.

 

Maadaama oo aanu golahu hayn nuxurka iyo faahfaahinta heshiiskaas waxa uu guddoomiyay intaan heshiiska ka doodistiisa la gudo galin in loo gudbiyo haayadaha fulinta si ay u raadiso heshiiska, kalana soo xaajooto dhinacyada heshiiska wadagalay qodobada lagu heshiiyay uga soo baarandagto dabadeedna golaha shacabka u horkeento warbixin faahfaahsan oo ay weheliyaan talooyin haayada fulinta ah oo ku abaaran mawqifkooda iyo sida suurtagalka ah ee arinta loo xalin karo, iyada oo la dhawraayo gobanimada iyo badqabka dhulka Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya iyo danta guud ee qaranka.

Sida aad ka dhuuxi kartaan soo jeedinta gunaanadka ay xildhibaanadu soo jeediyaan waxay codsanayaan in "Dawlada Fadaraalka Soomaaliya ay cadayso mawqifka ay ka taagan tahay arimahan" golaha shacabka ay la wadaagto si daahfuran xogta ay ka haysato heshiiskan, sida oo kale waxa uu golaha shacabku uu dalbanayaa in" Wada hadal sixitaan ah ay kala yeelato dawlada isku taga Imaaraadka Carabta iyada oo la dhawraayo mabaadiida qarameed ee ay ku dhisantahay Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya" kadib laanta fulinta golaha shacabku ay soo hordhigto warbixin faahfaahsan iyo natiijooyinka laga gaadhay.

Hadbaba Mudane Madaxweyne maadaama oo aad horumarinta iyo ilaalinta mabaa'dida aasaasiga ah ee dastuurku uu yahay xil ka mid ah dawlada Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya, adiga oo kaashanaya xukuumada fadaraalka si waafaqsan qod 87 (1) (A) (B) iyo (C) ee dastuurka waxaan ku talinayaa inaad mawqifka dawlada arinka ka qabto aad ku soo gudbiso munaasabada aad ku jihaynayso siyaasada dalka ee ku aadan furitaanka kalfadhiga labaad ee golaha shacabka adiga oo fiiro u yeelandoona in heshiiskani uu ka hor imanaayo qodobada dastuurka fadaraalka gaar ahaan.

Qodobada 1-aad,2-aad iyo 3-aad oo xeerinaya gobanimada JFS tahay laguma xadgudbaan.

Qodobada 1-aad iyo 4-aad ee dastuurka oo xeerinaya saraynta dastuurka u hogaansanaanta xukuumada, hagida hal-abuurka iyo go'aamada siyaasadeed ee qaybaha dawlada .

Qodobka 7-aad ee dastuurka oo xeerinaya in gobanimada JFS ay koobayso kuna hagoogantahay dhulka JFS idil oo ay ku jiraan bariga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawada sare iyo gayiqaaradeedkaba waxa kale oo uu qodobkani cadaynayaa xuduudaha dhulka JFS iyo inuu yahay laguma xadgudbaan.

Qodobka 43-aad ee dastuurka oo cadaynaaya inuu dhulku yahay khayraadka koowaad ee shacbigu leeyahay waxaanu si cad u cadaynayaa habka loo isticmaalo ama loo kireeyo mudada la kirayn karo iyo in dawlada fadaraalku ay tahay haayada bixin karta rukhsadaha isticmaalka dhulka iyada oo la tashanaysa haayadaha kale ee dastuuriga ah.

Anaga oo ku kalsoon inaad waajibaadkaaga dastuuriga ah ka gudantoonto arinkan warbixintiina iyo talooyinkiinana aad nagu soo gaadhsiin kartaan furitaanka kalfadhiga labaad ee golaha shacabka. waxaad mudane madaxweyne naga guddoontaa salaan diiran iyo qadarin gaar ah."