Dawlada Britain Oo Xogo Ku Saabsan Weerarkii Manchester La Wadaagtay Sirdoonka Maraykanka.

0
Friday May 26, 2017 - 13:37:13 in by Super Admin
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Britain Oo Xogo Ku Saabsan Weerarkii Manchester La Wadaagtay Sirdoonka Maraykanka.

    Booliiska Britain ee baadhitaanka ku haya weerarkii is qarxinta ahaa ee lagu qaaday magaalada Manchester ayaa go'aansaday in uu dib soo celiyo macluumaadkii uu la wadaagayay sirdoonka dalka Maraykanka. Iskaashigii ay la samaynayeen sirdoonka Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliiska Britain ee baadhitaanka ku haya weerarkii is qarxinta ahaa ee lagu qaaday magaalada Manchester ayaa go'aansaday in uu dib soo celiyo macluumaadkii uu la wadaagayay sirdoonka dalka Maraykanka. Iskaashigii ay la samaynayeen sirdoonka Maraykanka ayay markii hore si ku meelgaadh ah u hakiyeen ka dib markii macluumaadkii ay u gudbiyeen lala sii wadaagay warbaahinta dalka Maraykanka.



Mas’uuliyiinta UK ayaa cadho ka muujiyay sawirrada muujinaya hadhaaga waxyaabihii loo adeegsaday qaraxa oo mas’uuliyiinta Mareykanka ay la wadaageen wargeyska New York Times.
Waxay sidoo kale dowladda Britain ka cadhootay in magaca ninka weerarka geystay loo dusiyay warbaahinta Mareykanka saacado uun ka dib markii uu dhacay weerarka oo ay ku dhinteen 22 qof, 64 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.
Ra’iisalwasaaraha UK Theresa May ayaa sheegtay in ay si cad ugu sheegi doonto madaxweyne Trump in macluumaadka la wadaagayo ee sirdoonku ay noqdaan kuwa xafidan. Waxayna Trump kula kulmi dontaa shirka madaxda gaashaan buurta NATO ee ka dhacaya magaalada Brussels.
Wasiirka arrimaha gudaha Britain Amber Rudd ayaa sheegtay in ay ku kalsoon tahay in ay iminka joogsanayaan wararka sida hoose loo bixiyo, kuwaasi oo ay ku sheegtay kuwa laga walaaco.
Dhanka kale, boqorada Britain Elizebath ayaa isbitaalka carruurta ee Manchester ku booqatay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii Isniintii la soo dhaafay ka dhacay Manchester.
BBC-du waxay fahansan tahay in booliska Manchester uu dhawaan dib u soo celin doono hanaanka uu xogta sirdoonka kula wadaago Mareykanka.
Mareykanka, UK, Australia, Canada iyo New Zealand ayaa ku midoobay isbaheysiga loo yaqaanno ”Shanta indhood” ee wadaaga xogta sirdoonka la xidhiidha argagixisada.
Ilaa iyo toban qof oo lala xiriirinayo weerarka Manchester ayaa ilaa iyo hadda la soo qabtay. Weerarkaasi waxaa geystay Salmaan Cabedi oo ahaa 22 jir ay qoyskiisa ka soo jeedaan dalka Liibiya.
Waxaa sidoo kale soo baxday in labo qof oo horay u taqaanay Cabedi ay booliska sannado ka hor uga digeen fikradihiisa xagjirnimada.
Haweeney ayaa ka mid ah dadka loo qabtay weerarkii ka dhacay Manchester, xilli ay booliska sheegeen in ay baarayaan "shabakad” la rumaysan yahay in ay ka dambeysay qaraxaasi.
Boolisk ayaa sheegay in ay xireen haweeneydaasi, ka dib markii ay xoog ku galeen guri ay ka deganeyd Blackley, waqooyiga Manchester.
Ramadan oo ah aabaha dhalay ninka qaraxa fuliyay, iyo Haashim oo ay ninkaasi walaalo yihiin ayaa lagu qabtay caasimadda Tripoli ee dalka Liibiya.
Salman AbediLahaanshaha sawirka,
Image caption
Shakhsiyaad ka tirsan qoyska ninkii fuliyay weerarka Manchester ayaa la qabtay
Sidoo kale Ismaaciil oo la dhashay ninka weerarka geystay ayaa Taaladadii lagu qabtay Chorlton, oo ku taalla koonfurta Manchester.
Heerka khatarta argagixisada ee UK ayaa la gaarsiiyay halka ugu saraysa, taasoo ka dhigan in weerarro dheeraad ah ay dhici karaan.
Askar milateri ah ayaa la dhigay goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda London.