Dawlada Kuwait Oo Qabatay Shimbir Xambaarsan Maandooriye

0
Friday May 26, 2017 - 13:41:38 in by Super Admin
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Kuwait Oo Qabatay Shimbir Xambaarsan Maandooriye

    Dhacdo aad u layaab badan oo aan nooceeda oo kale hore loogu adeegsan Tahriibinta iyo Iib geynta Maandooriyaha ayaa waxay ka dhacday Dalkaasi Kuwait.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdo aad u layaab badan oo aan nooceeda oo kale hore loogu adeegsan Tahriibinta iyo Iib geynta Maandooriyaha ayaa waxay ka dhacday Dalkaasi Kuwait.


Dhacdadan ayaa ka dhacday xudduuda u dhexaysa labada Dal ee Ciraaq iyo Kuwait gaar ahaan goobta Cashuuraha ee loo yaqaan Al-cabdali waxaanay Shaqaalaha ka hawlgala goobtaasi daba galeen shimbir markii hore uu Nin sitay oo ka baxsaday isla markaasina dul istaagay mid ka mid ah giddaarada Dhismaha hay’adda Cashuuraha ee Dalkaasi Kuwait.

Shimbir Maandooriye Sida

Shimbirkaasi waxa dabagalay ciidammada Ammaanka ee goobtaasi ku sugnaa siday soo bandhigtay Jarriidada Al-Rai ee ka soo baxda Dalkaasi Kuwait oo Wargeyska Himilo kasoo xigtay, intaasi kadib markii la soo qabtay Shimbirkaasi ee la baadhay waxa caddaatay in inta la jeexay lagu soo dhex riday 178 xabo oo Maandooriye ah, waxaanay arrintaasi noqotay mid ka yaabisay Shaqaalihii ku sugnaa goobtaasi ilaa iyo haatana waxa la baadhayaa ciddii lahayd ee wadatay Shimbirkan.

Himilo media