"Waxaan Idin Leeyahay Qaran Jira Ayaynu Nahay Oo Bangiyada Dulsaarka Ku Shaqaynaya Kama Maarmayno, Laakiin Cid Inay Ribo Qaadato Lagu Qasbayaa Ma Jirto"

0
Friday May 26, 2017 - 16:52:37 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Idin Leeyahay Qaran Jira Ayaynu Nahay Oo Bangiyada Dulsaarka Ku Shaqaynaya Kama Maarmayno, Laakiin Cid Inay Ribo Qaadato Lagu Qasbayaa Ma Jirto"

    Hargeysa(AFKA);"Fule Xantii Ma Mooga Oo Bangiyadii [Commercial Banking] Dagaal Baa Lagula Jiraa Oo Waxa La Yidhi Yaan La Furin, Laakiin Haddana…….."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);"Fule Xantii Ma Mooga Oo Bangiyadii [Commercial Banking] Dagaal Baa Lagula Jiraa Oo Waxa La Yidhi Yaan La Furin, Laakiin Haddana…….."
"Ninweyn Oo Carab Ah Ayaa Habeen Annagoo Madaxweynaha Wada Joogna Waxa Uu Si Dhib Yar Noogu Yidhi ‘Labada Nidaam ee bangiga Midna [Hunguriga] Ayuu Kaa Gawracayaa, Ka Kalena Tunka”

++++++

"Maanta Ummadda Reer Somaliland Hantideedu Waa Hanti Mayd Ah, Oo Wax Alla Wax Macne Ah Oo Ay Samaysaa Majirto [Laakiin] Haddii La Dhaqdhaqaajiyo Dhaqaallaha Dalkuna Cirka Ayuu Maraya”

 

– Madaxweyne kux igeenka JSL Oo Ka hadlay Iska-caabin ay kala kulmeen meel marinta xeerkii bangiyada ku salaysan dulsaarka [ribada] ee Dooddiisu Xiisadda Dhalisay

seylici

Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) ayaa sheegay in cadaadis xooggan oora’yul-caamka bulshada somaliland kaga yimi uu ku khasbayo in maamulkiisu u hoggaansamo ku shaqaynta bangiyada ganacsiga ee nidaamka islaamiga ah ku adeega, kaasi oo uu sheegay in aan caalamka badankiisu ku shaqaynin markaloo eego nidaamka bangiyada [Commercial-ka] ah oo dunidu u badan tahay. Madaxweyne ku xigeenku waxaa uu qiray in ay u hogaansameen maxsuulka dagaalkii ay bulshadu kaga dhiidhiday mashruucii sharci ee ansixinta bangiyada ganacsi ee ku shaqeeya ribada kaasi oo dhawaan markii golaha wakiillada la soo hor dhigay doodiisa ay xaasaasiyadi ka dhalatay isla markaana sababtay in doodiisa iyo ansixintiisaba laga saaro ajandihii golaha. Hase yeeshee waxaa uuu duray dulsaarka culays uu sheegay in lacagta bangiyada islaamiga ah la saarayo ay naxariis darro ka muuqato isaga oo ku baaqay in mar haddii la qaatay ku shaqayntiisa hoos loo eego lacagta saaran adeegaas. Geesta kale waxaa uu Madaxweyne ku xigeenku si dadban u sheegay in aanay xukuumaddiisu taageerayn isla markaana dhiiirigelinayn nidaamka bangiyada ribida wata. Ugu horeynse waxaauu Md.Saylici ka hadlay qiimaha ay bangiyadu u leeyihiin danta guud ee bulshada iyo sida ay Somaliland ugu baahan tahay, waxaana isaga oo soo dhawaynaya furashada bangiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland ku soo badanaya uu yidhi "Xukuumad ahaan farxad bay noo tahay in bangigii saddexaad ee gaar loo leeyahay ooah Premier Bank uu ku soo biiro saaxadda bangiyada Somaliland, aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa, waananu ku faraxsannahay,sababtoo ah wadanku cid kasta oo maalgelin ku soo kordhinaysa ama shisheeye ha ahaato ama sokeeye annagu waanu dhiirigelinaynaa”. Sidaas ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan-Seylici, madaxweyne ku xigeenka JSL oo khudbad ka jeediyey madal shalay xadhiga uu kaga jarayay adeegyada bangiga caalamiga ah ee Premier Bank oo wanqal loogu sameeyey Hargeysa, waxaanu intaa ku daray "sababta aanu u dhiirgelinayno [bangiyadan] waa danteenna guud ayaa ku jirta, faa’iidada baanku leeyahayna waa la sharraxay wixii laga cabanayayna waa la sheegay. Maanta ummadda reer Somaliland hantideedu waa hanti fadhida oo Mayd ah, oo waxaa ay ku fadhidaa dhul, wax alla wax macne ah ooay samaysaana majirto, haddii la dhaqdhaqaajiyo oo la shaqo geliyo hantida maanta innagaga fadhida dhulka oo meesha laga saaro hantidii badnayd ee qofku dhulka gelin jiray, shaqo la’aan aynu ka cabanaana jiri mayso dhaqaallaha dalkuna cirka ayuu marayaa”. Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku. Geesta kale waxaa uu Md. Saylici ka hadlay arrimaha bangiyada kala wata labada nidaam ee ribada iyo islaamiga, waxaanu yidhi "Waxa la yidhi fule xantii ma mooga oo waynu is ognahaye waxaa la leeyahay bangiyadii ganacsiga [Commercial Banking] dagaal baa lagula jiraa oo waxa layidhi yaan la furin, laakiin haddana Bangiyadii Islaamiga ahaa waxaa la leeyahay lacagtii ay dadkasaarayeen waa ay fara badan tahay”. "Habeen habeennada kam id ah ayaa nin weyn oo mutacalim ah oo siyaasi ah oo diinta garanayaa oo carab ah ayaa aniga iyo madaxweynaha oo wada joognaa aanu saddexdayadu soo wada qaadnay arrintaas, markaasaa anigoo ku yara dhegen mawqifkayga oo leh ribadu way xun tahay ayuun buu ninkii si dhibyar noogu yidhi ‘labada nidaam wax alla wax ay ku kala duwan yihiin ma jiraan ee midna halkaas [hunguriga ayuu kaa gawracayaa uun, midna halkaas tunka ayuu kaa gawracayaa, markaas anigu waxaan idin leeyahay waar dee qaran dhan oo jira ayaynu nahay oo bangiyada Commericial-ka ah kama maarmayno oo wixii adduunyadu leedahay innaguna kamamaarmayno, laakiin cid lagu qasbayo inay ribo qaadato oola dhiirigelinayaa ma jirto, markaa mar haddaynu maanta qaadanay nidaamka bangiyada islaamiga ah naxariistana ha lagu daro ayaanu leenahay”. Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Saylici.