Maraykanka Warbaahinta Oo Eedo Cusub U Soo jeedisay La Taliyaha Trump.

0
Saturday May 27, 2017 - 11:43:19 in by Burco Office
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Warbaahinta Oo Eedo Cusub U Soo jeedisay La Taliyaha Trump.

    Maraykanka Warbaahinta Oo Eedo Cusub U Soo jeedisay La Taliyaha Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka Warbaahinta Oo Eedo Cusub U Soo jeedisay La Taliyaha Trump. Maraykanka Warbaahinta Oo Eedo Cusub U Soo jeedisay La Taliyaha Trump.

 

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in wiilka madaxweyne Trump soddoga u yahay isku dayey in uu si sir ah xidhiidh ula yeesho Mosccow dhawr bilood ka hor intii aan Trump ku guulaysan doorashadii.

Jared Kushner wuxuu doonayey in uu adeegsado qalab Ruushku sameeyo si aan Maraykanku u ogaanin xidhiidhka uu lalahaa Moscow, sidaana waxa sheegay labada wargeys ee Washington Post iyo New Your Times.

Kushner oo ah la taliye sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaan isagu eedaymahan ilaa haatan waxba ka odhan.

Waxa la sheegay in isaguna ka mid yahay dadka ay FBI-du ku haysto baadhitaanka culus ee lagu hayo eedaynta ah in Ruushku farageliyey doorashadii Maraykanka si uu Trump ugu guulaysto.

Wararka ka imanaya Maraykanku waxay sheegayaan in baadheyaashu rumaysanyihiin in [wiilkaa madaxweynuhu sodogga u yahay] hayo xog loo baahanyahay laakiin aanu weli jirin shaki isaga laga qabaa oo aan wax dambi ah lagu tuhunsanayn.

Wararka ugu dambeeyey, ee laga soo xigtay saraakiil Maraykan ahi, waxay sheegeen in Kushner kala hadlay danjiraha Moscow u fadhiya Maraykanka, Sergei Kisylak, sidii ay u suurto geli lahayd in ay si qarsoodi ah ugu isticmaali lahaayeen marinada diblomaasiyadeed ee Ruushku ku adeegsado Maraykanka dhexdiisa.

Qareenka Kushner ayaa isaguna hore u sheegay in ninka uu wakiilka ka yahay la shaqayn doono baadhitaan kasta oo la wado oo lagaga codsado inuu xog ku siiyo saraakiisha hawlahaa wada.