Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Halis Soo Wajahda Shacabka Magaalada Mosul
Qaramada Midoobey ayaa ka sheegtay in khasaaraha ugu weyn uu ku dhacayo dadka rayidka ah iyada oo duulaanka lagu qaadey kooxda la baxdey Dowlada Islaamka ee magaalada Mosul uu marayo wajigii ugu danbeeyey.
Xoogagga Ciraaq ayaa Sabtidii guulo weyn ka gaaray dagaalka magaalada Mosul looga saarayo dagaalyahannada kooxd Dowladda Islaamka
Madaxa arrimaha bini`aadannimada ee Qaramada Midoobey ayaa canbaareeyay kooxda la baxday Dowladda Islaamka oo ay sheegtay in ay dagaalka gabbaad uga dhigtaan dadka rayidka ahi.Isuduwaha hawlaha gargaarka bani'aadnimo ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Ciraaq Lise Grande ayaa BBC-da u sheegtey in dadka degan magaaladu ay ku jiraan xaalad khatar ah iyada oo daacish bartilmaansaneysa qoysas markoodii horeba la daalaa dhacayey biyo la'aan iyo koronto la'aan
Xoogagga Ciraaq ayaa Sabtidii guulo weyn ka gaaray dagaalka magaalada Mosul looga saarayo dagaalyahannada kooxd Dowladda Islaamka
Source:-BBCsomali