Home Wararka Waqooyiga Kuuriya oo gantaal hor leh tijaabisay iyo xukuumadda Japan oo ku hanjabtay fal-celin WAQOOYIGA KUURIYA OO GANTAAL HOR LEH TIJAABISAY IYO XUKUUMADDA JAPAN OO KU HANJABTAY FAL-CELIN

0
Monday May 29, 2017 - 10:02:43 in by Burco Office
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Home Wararka Waqooyiga Kuuriya oo gantaal hor leh tijaabisay iyo xukuumadda Japan oo ku hanjabtay fal-celin WAQOOYIGA KUURIYA OO GANTAAL HOR LEH TIJAABISAY IYO XUKUUMADDA JAPAN OO KU HANJABTAY FAL-CELIN

    Waqooyiga Kuuriya oo gantaal hor leh tijaabisay iyo xukuumadda Japan oo ku hanjabtay fal-celin WAQOOYIGA KUURIYA OO GANTAAL HOR LEH TIJAABISAY IYO XUKUUMADDA JAPAN OO KU HANJABTAY FAL-CELIN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqooyiga Kuuriya oo gantaal hor leh tijaabisay iyo xukuumadda Japan oo ku hanjabtay fal-celin WAQOOYIGA KUURIYA OO GANTAAL HOR LEH TIJAABISAY IYO XUKUUMADDA JAPAN OO KU HANJABTAY FAL-CELIN

Xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada Pyongyang ee dalkaasi Waqooyiga Kuuriya ayaa xalay riday gantaal hor leh kaas oo ka careysiiyay dowladda Japan oo dhankeeda sheegtay in ay qaadeyso tallaabo "fal-celin ah” si loo joojiyo cagajugleynta Waqooyiga Kuuriya.

Waa gantaalkii labaad oo ballistik ah oomuddo isbuuc gudeheeda ah ay riddo xukuumadda Pyangyang, waxaana kan kii ka horreeyay lagu sheegay in uu ahaa kuwa dheereeya islamarkaana lagu guuleystay hadafkiisa.

Sannadkan gudihiisa ayaa waxaa ay xukuumadda Pyongyang ridday sagaal gantaan oo isugu jira kuwo meelo fog-fog ku dhaca iyo kuwo tiiro gaaban, qaarkoodna waa ay guul-darreysteen oo dhex ayay ku bur-bureen.

Si kastaba dowladda Japan ayaa iminka kusoo biirtay dowladaha dhibsaday gantaallada Waqooyiga Kuuriya ay rideyso, iyadoona horay ay xukuumadaha Mareykanka iyo Koonfurta Kuuriya uga qeylin jireen.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa maalinimadii Sabtida ka sheegay shirkii waddamada G7 ay ku lahaayeen dalka Talyaaniga in "mar dhow xal laga gaari doono mushkiladda Waqooyiga Kuuriya”.

Dowladda Japan ayaa sheegtay in ay kala shaqeyneyso Mareykanka sidii uu soo afjari lahaa "dhibaatada Waqooyia Kuuriya ku hayo gobolka”.

Ma cadda wali qaabka hanjabaaddan cusub u saameyn karto xukuumadda Pyongyang oo horay hanjabaad loogala daalay.