Ciyaaryahanka ugu qaalisan adduunka oo cumro u tagay Maka

0
Monday May 29, 2017 - 10:38:57 in by Burco Office
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahanka ugu qaalisan adduunka oo cumro u tagay Maka

    Ciyaaryahanka ugu qaalisan adduunka oo cumro u tagay Maka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka ugu qaalisan adduunka oo cumro u tagay Maka

Ciyaaryahanka ugu qaalisan adduunka ayaa cumro u tagay magaalda barakaysan ee Makka isaga oo ku beegay bilawda bisha Ramadaan.

Paul Pogba oo dalka Faransiiska u dhashay ayaa dadka la wadaagay sawir uu ku sugan yahay magaalada Maka isaga oo ku soo ladhay qoraal kooban oo ah "wixii ugu qurux badnaa ee aan arko intii aan noolaa".

Twitterkana wuxuu ku soo qoray tahniyad isaga oo yiri "Ramadaan wanaagsan".

Ciyaaryahankan 24 jirka ah ayaa xagaagii hore noqday ciyaartoyga ugu qaalisan ee kubbad ciyaara ka dib markii ay Manchester United ka soo sii satay kooxda Juventus 114 milyan oo doolar.

Arbacadii ayuu qaaday koobka Europa League ka dib markii ay Manchester United ka badisay kooxda Ajex oo ay ciyaartii kama dambaysta ahayd kula yeesheen magaalada Stockholm.

Pogba ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan xagaagii horeLahaanshaha sawirkaPA
Image captionPogba ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan xagaagii hore

Markii uu xilli ciyaareedkani dhamaaday ayuu soo dhigay muuqaal kooban oo ah isaga oo wata boorso oo leh "waxaan u sii socdaa in aan soo cibaadaysto oo aan soo cumraysto".

Pogba ayaa la sheegay in uu hadda ka hor tagay Maka markaas uu soo gutay acmaasha Xajka oo hal mar waajib ku ah qofkaste oo Muslim ah oo caafimaadqaba oo awooda.