Ra'isalwasaaraha Afghanistan oo weerar ka badbaaday

0
Sunday June 04, 2017 - 12:05:16 in by Burco Office
  • Visits: 551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'isalwasaaraha Afghanistan oo weerar ka badbaaday

    Ra'isalwasaaraha Afghanistan oo weerar ka badbaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isalwasaaraha Afghanistan oo weerar ka badbaaday

Ra'isalwasaaraha ahna madaxweyne kuxigeenka Afgaanistaan Cabdullah Cabdullah, ayaa ka badbaaday weerar dhimasho dhaliyey oo ka dhacay goob uu uga qeybgalayay aas ka socday magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi ayaa BBC u sheegay in 6 qof ay ku dhinteen weerarkaasi, 87 ku dhaawacantayna la geeyay cisbitaallada.

Aaska ayaa loo samaynayay wiil uu dhalay siyaasi caan ah oo ay booliisku dileen intii uu socday dibadbax dowladda lagaga soo horjeedo oo ku saabsanaa nabadgaliyo xumida.

Qarax ismaadimin ah oo aad u waynaa ayaa Arbacadii lagu dilay in ka badan 90 qof.

Maantana taliyaha ciidanka milateriga ee Kabul ayaa uga digay dadka in aanay ka qayb qaadan banaanbaxyada, oo uu sheegay inay kala kulmi karaan weeraro ay gaystaan kooxaha mintidiinta ah.