Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Sababta Ismaaciil Buubaa Looga Hor Istaagay Inuu Madaarka Cigaal Ka Dhoofo

0
Tuesday June 06, 2017 - 18:57:55 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Sababta Ismaaciil Buubaa Looga Hor Istaagay Inuu Madaarka Cigaal Ka Dhoofo

    Hargeysa(AFKA):-Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay diidmadii Xukuumaddu u diiday in Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka iyo Masuuliyiiinta Xisbiga Waddani,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay diidmadii Xukuumaddu u diiday in Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka iyo Masuuliyiiinta Xisbiga Waddani, inuu dalka ka dhoofo, waxaanu Wasiirku sheegay in sababta ay u diideen inuu dhoofo ay tahay inuu sito Basaboor Somaliya leedahay.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika talaabadan ay iskaga hor taageen Siyaasi Buubaa inuu Madaarka ka dhoofo wax ka weydiiyey ayaa ugu horeyn ku jawaabay"Waa run oo anaga ayaa u diidnay, oo waxa uu doonayey inuu Odaygu ku dhoofo Basaboor diblamaasiya oo ay Somaliya



leedahay, horena waa loogu sheegay in aanu mar kale isticmaali karin, waxa kale oo lagu sameeyey iyo wax kale oo Odayga lala daba socdaa ma jirto, Ismaaciil Buubaana waa qof weyn oo wax-garad ah, waana uu og yahay inay u furan tahay in Basaboor Somaliland uu qaato”.

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha mar aanu wax ka weydiinay waxay ku kala tageen Ismaaciil Buubaa markii ay u diideen inuu Madaarka ka dhoofo ayaa yidhi "Waxa loo sheegay in aan Basaboorka aan la ogolayn oo aanu mar dambe isticmaali karin, waana laga qaaday Basaboorkii waana la hayaa, isagoo qudha maaha ee cidnaba lama ogola inay Basaboorkan isticmaasho”.

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey dib u heshiisiinta beelaha Gobolka Sool ayaa yidhi "Dadka waxaan ugu baaqay nabad iyo xasilooni, anigu imika waxaan jooga oo aan tagay meelihii la isku dilay, ee xasilooni daradu ka dhacday ee Gobolka Sool, gaar ahaan Koonfurta Gobolka Sool, oo aan hadda ku sugan nahay, oo aan dhex maray Tuulooyinkoodii, oo lagu kala baxay, taas oo imika labadii reer ee isku dilayey ay imika iskugu yimaadeen, oo si wanaagsan u nabadeen, oo isku wanaagsan isku dhex fadhiyaan, oo si wanaagsan isku af garteen, una wada joogaan, ee ILLAAHAY Abaartii uu inaga kaxeeyey ee barwaaqu ina siiyey, ee barwaaqada aynu ka faa’iidaysano”.