Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Oo Tababar U Furay Qaar Ka Mid AH Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaha+Sawiro

0
Wednesday June 07, 2017 - 20:44:57 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Oo Tababar U Furay Qaar Ka Mid AH Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaha+Sawiro

    Hargeysa(AFKA):-Hay'ada shaqaalaha dawlada somaliland ayaa maanta tababar u furtay qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradaha dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Hay'ada shaqaalaha dawlada somaliland ayaa maanta tababar u furtay qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradaha dalka.


Tababarkan oo ka mid ah mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawlada ayaa loogu tala galay in shaqaalaha lagu baro wareejinta aqoonta xirfadlayaasha, iyada oo ay ka soo qayb galeen xubno ka socday hay’addaha loogu tala galay inay ka faa,iidaystaan mashruucan.

Gudoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha dawlada somaliland Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali oo ka hadlay furitaanka tababarkan ayaa ujeedada tababarkan waxaanu yidhi "Ujeedada kulankani waa in aqoontii iyo xirfadii laydinku soo wareejiyo




isla markaana waxyaabaha iyo qaababka siyaasada shaqaalaha oo galaysa maamulka iyo qorshaynta in laydinku kordhiyo wixii loo baahan yahay, wixii diyaar garaw ahna aad ka qaadataan.”

 

Gudoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha dawlada oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawlada waxaanu mar kale yidhi "Waxa kale oo mashruucan la doonayaa inuu noqdo mid ay ka faa,iidaystaan shaqaale badani, dhawryo konton hay’addood ayey ka kala yimaadaan shaqaalaha dawladu halkana toban ayeynu ku fadhinaa markaa waxa la doonayaa inaad tusaale u noqotaan sii socoshada mashruucan iyo sida ay uga faa,iidaysan karto dawladeeda oo dhan iyo shaqaale gaadhaya lixyo toban kun oo aanu rajaynayno inay mustaqbalka gaadhaan dhawryo sodon kun, waxay ku xidhan tahay dhawryo labaatankiina halkan fadhiya sida aad uga shaqaysaan, u daristaan, u fahamtaan, u qiimaysaan una gudbin kartaan ayey ku xidhan tahay inuu mashruucani dhalo mashaariic kale oo ay ka faa,iidaystaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dalku.”

Sidoo kale qaar ka mid ah macalimiinta bixinayey tababarkan oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in mashruucan dib u habaynta shaqaalaha looga faa,iidaysanayo in shaqaalaha la baro xirfad iyo aqoon si sare loogu qaado tayada shaqaalaha ee dawlada, waxaanay sheegeen inay mashruucan ka faa,iidaysteen shaqaale tiro badani.