Baarlamaanka Turkiga Oo Isku Raacay Ciidamo Loo Diro Dalka Qatar

0
Thursday June 08, 2017 - 11:02:23 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Turkiga Oo Isku Raacay Ciidamo Loo Diro Dalka Qatar

    (AFKA-Ankara)-Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay ciidamo dheeraad ah oo loo diro saldhiga milateri ee uu Turkiga ku leeyahay dalka Qatar, halkaasoo markii hore ay u joogeen 150 askari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(AFKA-Ankara)-Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay ciidamo dheeraad ah oo loo diro saldhiga milateri ee uu Turkiga ku leeyahay dalka Qatar, halkaasoo markii hore ay u joogeen 150 askari

Turkiga iyo Qatar ayaa sanadkii 2014 ku heshiiyay saldhig milateri oo uu Turkiga ka sameysto Qatar.

Ciidamada Turkiga ee la geynayo Qatar ayaa waxay ka qeyb qaadan doonaan dhoolatus milateri oo ay si wadajir u sameynayaan kuwa Qatar.

Qatar waxaa ku yaala saldhiga ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe, halkaasoo ay ku sugan yihiin illaa 8-kun askari.

Go’aanka Baarlamaanka Turkiga ayaa ah mid taageero u muujinaya Qatar oo soo wajahday xaalad go’doon siyaasadeed iyo mid ganacsi, kaasoo kaga yimid dowladaha quwada leh ee Bariga Dhexe.

Turkiga waa saaxibka ugu weyn ee Qatar uu ku leeyahay caalamka, labada dal ayaa wadaaga xiriiro qoto dheer.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku dhaliilay wadamada carabta inay go’doomiyaan, cunaqabateyna saaraan dalka Qatar, waxaa uu intaa ku daray in Ankara ay isku dayeyso inta awoodeeda ah inay xaliso xiisada taagan.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn, Masar iyo dowlado kale oo carbeed ayaa xidhiidhka u jaray Qatar, iyagoo xanibaad ganacsi ku soo rogay.