Ujeedada Safar Ay Wasiiro Badan Oo Ka Tirsan Xukuumada Soomaaliya ugu Baxeen Dalka Sucuudiga

0
Thursday June 08, 2017 - 11:31:21 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Safar Ay Wasiiro Badan Oo Ka Tirsan Xukuumada Soomaaliya ugu Baxeen Dalka Sucuudiga

    Hargeysa(AFKA);Ku dhowaad lix wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa shalay u ambabaxay dalka Sacuudiga, si ay mashaariic ula soo saxiixdaan dowladda Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Ku dhowaad lix wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa shalay u ambabaxay dalka Sacuudiga, si ay mashaariic ula soo saxiixdaan dowladda Sacuudiga.

Wafdiga Wasiirada waxaa kamid ah Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo wasiiro kale.


Sidoo kale dowladda ayaa ku baaqday in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in ay aad uga xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladdaha Carabta ee walaalaha ah.

Dowladdaha


Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii diplomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la'aan ka wado gobolka.

 

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay ka xidhatay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba, sida wakaalladda wararka ee dalkasi ay sheegtay.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Waaxda Duulista Hawada ee Soomaali ayaa sheegay in ugu yaraan 15 jeer ay isticmaaleen hawada Soomaaliya diyaaradaha Qadar Airways muddo ka yar laba maalmood, kadib markii qaar kamid ah dowladdaha Carrabta ay xiriirka u jareen dowladda Qadar.

"Diyaaraddaha Qadar Airways, ayaa hal ama laba duullimaad ku imaan jiray dalka Soomaaliya maalin kasta, ka hor inta aysan qarxin xiisada u dhexeysa Qadar iyo qaar kamid ah dowladda Carrabta”, sidaasi waxaa wakaalladda wararka ee AP u sheegay Sarkaal ka tirsan waaxda duulista hawada ee Soomaaliya oo aan fasax u heysan in uu warbaahinta la hadlo.

Diplomaasiyiin Soomaali ah ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dan ugu jirto in aysan la kala safan dowladdaha hadda khilaafka uu u dhexeeyo, si danta umadda Soomaaliyeed loo eego.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wajahaya loolankii ugu adkaa ee dhanka siyaasada arrimaha dibadda tan iyo intii uu xafiiska yimid.

Farmajo ayaa booqasho ku tegay wadamadda Sacuudiga, Immarradka iyo Qadar, isagoona heshiisyo lasoo kala saxiixday.

Sanadkii 2016, markii dowladda Sacuudiga ay xiriirka u jartay dalka Iraan, dowladda Soomaaliya iyana waxaa ay xiriirka u jartay dalka Iraan, waxaana magaalladda Muqdishu laga ceyiyay shaqaallihii safaarada Iraan ee Soomaliya.

Hawada iyo Badda Soomaaliya ayaa muhiim u ah dowladdaha hadda siyaasada diplomaasiyadeed isku haya, waxaana midaasi laba daran mid dooro ay u tahay Soomaaliya.