Mareeyaha Dekedda Berbera Oo Madaxwayne Siilaanyo U Soo Diray Qoraal Digniin Xambaarsan Oo Uu Kaga Hadlayo Halis Soo Food-saaraysa Dekedda Berbera

0
Thursday June 08, 2017 - 11:40:58 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareeyaha Dekedda Berbera Oo Madaxwayne Siilaanyo U Soo Diray Qoraal Digniin Xambaarsan Oo Uu Kaga Hadlayo Halis Soo Food-saaraysa Dekedda Berbera

    BerBera(AFKA)-Maareeyaha faraca badda dekeda Berbera sidoo kalena ahaa maareeyihii hore ee dekeda magaalada Berbera Md Axmed Yuusuf Dirir ayaa qoraal uu madaxwayne Siilaanyo u gudbiyey wuxuu kaga digay halis soo food saaraysa dekeda magaalada Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BerBera(AFKA)-Maareeyaha faraca badda dekeda Berbera sidoo kalena ahaa maareeyihii hore ee dekeda magaalada Berbera Md Axmed Yuusuf Dirir ayaa qoraal uu madaxwayne Siilaanyo u gudbiyey wuxuu kaga digay halis soo food saaraysa dekeda magaalada Berbera hadii aan deg deg wax looga qaban.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xog ogaal ahi Mr Dirir ayaa madaxwayne Siilaanyo u gudbiyey warqaad la sheegay inay ku qoran tahay luuqad asluubaysan isla markaana xambaarsan fariimo culus oo la xidhiidha dekeda magaalada Berbera.Sida warku sheegay Mr Dirir wuxuu si gaar ah uga digay in cid gaar ah la siiyo dhulka loo yaqaano Raasiga Berbera kaas oo ah qoor dabiici ah oo Alle xaydaab uga dhigay bogcada ay ku taalo dekeda magaalada Berbera, waxaanu Mr Dirir sheegay in hadii dad gaar ah la siiyo dhulkaasi oo laga dhigo hanti cid gaar ahi leedahay isla markaaana la buuxiyo lagana sameeyo dhismayaal ay halis ku jirto dekeda Berbera,madaama oo goobtani tahay goob xaydaab adag u ah dekedaaas,waxaana la sheegay in uu qoraalkaas u adeegsaday cadaymo muujinaysa halista imaanaysa hadii dhulkaasi la bixiyo.

Arrintan ayaa timid kadib markii maalmo dhawayd la arkay iyada oo baabuur iskaragooyin ahi ay buuxinayaan badda u dhaxaysa raasiga iyo dekeda taas oo loo arkay in dad gaar ah la siiyey dhulkaas dekeda xayndaabka u ah,waxaana arrintan sidoo kale ka qayliyey dadwaynaha Berbera iyo khuburo aqoon u leh arrimaha badda iyo dekedaha.

Lama oga in madaxwayne SIilaanyo ka jawaabay fariintan uu u gudbiyey Mr Axmed Yuusuf Dirir iyo sida oo kale talaabada uu qaadi doono ,laakiin waxa la filayaa in madaxwayne Siilaanyo joojiyo qorshahaa la sheegayo in lagu bixiyey dhulkaasi Raasiga Berbera madaama oo hadii dhulkaasi la bixiyo ay halis ku jirto dekeda magaalada Berbera.

Geeska