Wasiirka Arimaha Dibada Djibouti Oo Ka Hadlay Aragtida Dalkiisa Ee Saldhiga UAE Laga Siiyey Magaalada Berbera

0
Thursday June 08, 2017 - 11:51:34 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Dibada Djibouti Oo Ka Hadlay Aragtida Dalkiisa Ee Saldhiga UAE Laga Siiyey Magaalada Berbera

    Hargeysa(AFKA):-Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamed Cali Yuusuf, ayaa ka hadlay aragtida Djibouti ee saldhiga Milatari ee Imaraadka Carabta ee magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamed Cali Yuusuf, ayaa ka hadlay aragtida Djibouti ee saldhiga Milatari ee Imaraadka Carabta ee magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Maxamed, oo u waramay warbaahinta dalka Itoobiya, waxa la weydiiyay aragtida dawladdiisa Djibouti ee saldhigyada Imaaraadka Carabta ee Berbera oo Somaliland ah iyo magaalada Casab ee Ereteriya, waxaanu wasiirku sheegay inay ogolaanshaha saldhigyadaasi u taalo Somaliland iyo Ereteriya, balse ay haddana Djibouti dareen feejigan ku eegayso waxyaabaha lagu qaban doono saldhigyadaas.

Wasiirka oo mararka qaarkood dafiraya dalka Somaliland, Berberana ku tilmaamaya inay Somaliya tahay, wuxuu sheegay inay saldhigyadaas soo dhawaynayaan haddii loo isticmaalayo arrimo u dan ah dalalka gobalka, waxaanu wasiir Maxamed Cali Yuusuf yidhi "Waxaad sheegtay


saldhiga Imaaraadka Carabta ee Somaliland iyo Ereteriya. Wadamadan Somalia [Somaliland] iyo Ereteriya, waxay qaadan karaan go’aan ay qaran ahaan u madaxbanaanyihiin inay aqbalaan ama diidaan sidii ay Djibouti yeeshay markii ay wadamo weydiisteen inaanu saldhigyo siin karno. Laakiin waxaanu aad uga feejiganaahay waxa weeye qorshahaha joogitaanka ciidamadaas qalabka sida. Haddii qorshuhu yahay in lala dagaalamo budhcad badeeda iyo argagixisada oo xuudahayaga badeed iyo dhuleed nabad laga dhigayo iyadoo loo danaynayo wadamada gobalka, markas waa iska caadi. Laakiin haddii ay jiraan qorsheyaal kale, ma garan karno markaas waana inaanu yeelanaa taxadir iyo feefjignaan. Dabcan wadamo badan ayaan jeclayn ciidamada shisheeye ee dalkayaga joogo, laakiin waxaanu leenahay joogitaanka ciidamadani waxay sida AMISOM oo kale leeyihiin awoodo aad u cad oo u dhexeeya wadanka ay joogaan iyo wadamada ay ciidamadu ka joogaan, waana wax kooban oo waxay ka shaqaynayaan ammaanka iyo nabadgelyada.”