War Deg-deg Ah: Shirkaddaha SOMCABLE Iyo SOMTEL Oo Midoobaya.

0
Thursday June 08, 2017 - 14:04:05 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg-deg Ah: Shirkaddaha SOMCABLE Iyo SOMTEL Oo Midoobaya.

    Hargeysa(AFKA);-labada shirkadood ee SOMCABLE iyo Somtel ayaa la filayaa inay dhawaan shaacin doonaan Heshiis ay ku midoobi doonaan, kaasoo wadahalkiisu socdo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);-labada shirkadood ee SOMCABLE iyo Somtel ayaa la filayaa inay dhawaan shaacin doonaan Heshiis ay ku midoobi doonaan, kaasoo wadahalkiisu socdo.

Wadahadalka labada shirkadood ayaa la xidhiidha sidii ay ugu shuraakoobi lahaayeen khadadka Internet-ka iyo Telefoonada, kuwaas oo labada shirkadood midkoodna haysto xadhiga kali ah ee Internet-ka ee Fiber Optica, halka ta kale-na ka haysato Telefoonada gacanta ee Mobilka.

Inkasta oo beryahanba la dareemayey in labada shirkadood midkood ay isticmaasho adeega SOMCABLE-ka, hadana Heshiiska midawgoodu waxa uu soo shaac baxay dhawaan, kadib wadahadalka labada dhinac toos u bilaabmay.

Labada shirkadood oo ay kala leeyihiin laba ganacsade oo waaweyn waxa la filayaa heshiiskoodu in uu wax badan ka bedeli doono Tartanka shirkaddaha Isgaadhsiinta Somaliland, isla markaana uu abuuri doono in bulshadu ka faa’iido Tartanka iman doona.

Shirkadda SOMCABLE ayaa in badan diidanayd in ay Heshiis la gasho shirkaddaha kale ee Mandaqada ka shaqeeya, iyada oo ay kulamo dhawr ah oo arrintan ay hore uga yeesheen midho-dhaliwaayeen, hadana waxa ay fursadani muujinaysaa in ay Hindisayaashii hore dhinac-na u socon waayeen.

Wali waxa barriga Laascaanood ku xayiranm khad kale oo ah Fibre Optic, kaasoo ay doonayeen inay isticmaalaan shirkaddaha kale ee Isgaadhsiinta sida Telesom, hase yeeshee Xukuumadda Somaliland ayaa hore u hor istaagtay, iyadoo in badan shirkaddaha danaynayaa ay ku doodeen in loo ogolaado.