50 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Maamul Gobolleedka Puntland.

0
Thursday June 08, 2017 - 14:44:29 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    50 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Maamul Gobolleedka Puntland.

    Boosaso(AFKA)-In ka badan 50 qof oo isugu jira ciidamada Puntland iyo al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar culus oo saaka waabarigii maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen xero ay leeyihiin ciidamada Puntland oo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boosaso(AFKA)-In ka badan 50 qof oo isugu jira ciidamada Puntland iyo al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar culus oo saaka waabarigii maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen xero ay leeyihiin ciidamada Puntland oo ku taalla gobolka Bari.

Weerarkan oo bilaamay afartii aroornimo ayaa waxay maleeshiyadu gudaha u galeen xerada tuullada Af urur oo 105 km koonfur galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso.

Wararka VOA ay ka heshay goobta dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in in ka badan 50 qof ay dhinteen oo labada dhinac ka tirsan kuwaasi oo wali maydkoodu haatan yaallo goobtii lagu dagaallamay.

Dadka dhintay waxaa ku jira saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada daraawiishta ee Puntland.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in 61 askari ay ka dileen maamulka Puntland, dhinaca kale, maamulka Puntland ayaan wali wax war ah ka soo saarin dagaalka ka dhacay xerada Af-Urur.

Cisbitaalka degmada Carmo ayaa waxaa la sheegayaa inay la gaadhsiiyay in ka badan 20 askarta Puntland ka tirsan oo dagaalka ku dhaawacmay.