Ururka Bisha Cas Ee Somaliland Oo Soo Bandhigay Diyaarado Dawooyin Ah Oo Ay Kaga Qayb Galeen Gurmadka Shuban Biyoodka Burco+Sawiro

0
Thursday June 08, 2017 - 15:22:27 in by Burco Office
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Bisha Cas Ee Somaliland Oo Soo Bandhigay Diyaarado Dawooyin Ah Oo Ay Kaga Qayb Galeen Gurmadka Shuban Biyoodka Burco+Sawiro

    Ururka Bisha Cas Ee Somaliland Oo Soo Bandhigay Diyaarado Dawooyin Ah Oo Ay Kaga Qayb Galeen Gurmadka Shuban Biyoodka Burco+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Bisha Cas Ee Somaliland Oo Soo Bandhigay Diyaarado Dawooyin Ah Oo Ay Kaga Qayb Galeen Gurmadka Shuban Biyoodka Burco+Sawiro

-Ururka bisha Cas ee somaliland ayaa ka war bixiyey kaalinta ay kaga jiraan la dagaalanka xanuunka shuban biyoodka ee ka dilaacay magaalada Burco.

Madaxa xafiiska Logistics-ka ee Ururka bisha Cas ee somaliland Maxamuud Xuseen Xirsi ayaa ka war bixiyey dedaalada ururka bisha ka sameeyey la dagaalanka xanuunka shubanka iyo gargaarka ay ilaa hada gaadhsiyeen magaalada Burco.

Maxamuud Xuseen Xirsi ayaa ugu horayn ka hadlay qaabkii ay uga hawl galeen markii lagu dhawaaqay xaalada shubanka ee Burco waxaanu yidhi "Markii lagu dhawaaqay in

xanuunka shuban biyoodku ka dilaacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ururka bisha cas ee somaliland waxa uu ka hawl galay inuu hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin gaadhsiiyo in masiibadaas xanuunka ahi dhacday, waxaana markiiba soo jawaabay hay’adda laanqayrta cas ee wadamada Canada Iyo Norway, waxaanay la soo xidhiidheen ururka bisha cas ee somaliland iyo isku taga bilaha cas iyo laanqayrta cas kuwaas oo ku soo hagaajiyey laba diyaaradood oo nooca waa weyn ee xamuulka ah oo sida dawooyin iyo cusbitaalka nooca guur guura ah iyo sadex baabuur oo kuwa gurmadka deg deg ah.”

 

Sidoo kale waxa uu ka waramay dedaalka ururka Bisha Cas waxaanu yidhi "Ururka bisha cas ee somaliland oo kaashanaya laanqayraha cas iyo bilaha cas waxay keeneen sadex diyaaradood oo sida dawooyin iyo qalab caafimaad oo lagaga hortagayo xanuunka shuban biyoodka kuwaas oo dhan 57 ton, Intaas waxa raaca inay yimaadeen ilaa 25 qof oo ka kooban dhakhaatiir iyo farsamo yaqaano ka yimid daafaha aduunka kuwaas oo matalaya laanqayraha cas iyo bilaha cas ee caalamka.”

Sidoo kale Maxamuud Xuseen Xirsi Waxa uu u mahad celiyey maamulka madaarka iyo maamulka kastamka madaarka waxaanu yidhi "Waxaan u mahad celinaynaa maamulka madaarka caasimada Hargeysa iyo maamulaha kastamka madaarka kuwaas oo si wanaagsan noola shaqeeyey, iyaga oo ka qayb galay in dawooyinku ay si dhakhso ah u gaadhaan magaalada Burco.”