Xisbiga Muxaafidka UK oo lumiyay aqlabiyadda baarlamaanka

0
Friday June 09, 2017 - 09:45:44 in by Burco Office
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Muxaafidka UK oo lumiyay aqlabiyadda baarlamaanka

    Xisbiga Muxaafidka UK oo lumiyay aqlabiyadda baarlamaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Muxaafidka UK oo lumiyay aqlabiyadda baarlamaanka

Xisbiga haya tallada dalka Britain ee ay hogaamiso ra'iisul wasaare Theresa May ayaa lumiyay aqlabiyadda uu ku lahaa baarlamaanka ka dib doorashadii Khamiistii ka dhacday dalkaasi.

Theresa May ayaa ku guuldaraysatay in ay xoojiso aqlabiyadda uu xisbigeeda ku lahaa baarlamaanka, ayadoo lagu wado inuu dhawaan furmo wadaxaajoodka uu dalkaasi kaga baxayo Midowga Yurub.

Inkastoo uu xisbiga muxaafidka lumiyay kuraas uu ku lahaa baarlamaanka, ayaa haddana weli waxa uu yahay kan ugu weyn UK.

Sawirro: Tirinta codadka doorashada guud ee UK

Waxaa la saadaalinayaa in xisbigeedu uu heli doono 318 xilhibaan, halka xisbiga Shaqaalahana uu heli doono 261 xildhibaan. Waxaa soo raaca xisbiga SNP oo isna la saadaalinayo inuu heli doono 35 xildhibaan.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka, Jeremy Corbyn ayaa ugu baaqay Theresa May inay iscasisho, balse waxay sheegtay inuu dalku u baahan yahay ''xasilooni'' taasoo uu xisbigeedu keeni kara.

BBc
Image captionTheresa May iyo Jeremy Corbyn ayaa codeeyay isniintii ka dib olole socday todoba isbuuc

Doorashadan oo ah mid wakhtigeeda laga soo hormariyay oo ay ku baaqday ra'iisalwasaaraha dalkaasi Theresa May, waxaana isu diiwaangeliyay in ay codkooda ku dhawaad 46.9 milyan oo qof.

Cod bixiyayaasha qaarkood goor hore ayayba codkooda u dhiibteen, oo waxa ay ku soo gudbiyeen boostada.

Codbixintan ayaa noqonaysa tii saddexaad oo dalkaasi ka dhacda muddo aan ka badnayn labo sano gudahood.

Doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday 2015 ayaa waxaa isu diiwaangeliyay inay codeeyaan 46.4 milyan oo qof.

Dadka u soo baxay doorashadii 2015, markii xisbiga muxaafidka uu ku guulaystay 331 ka mid ah 650 kursi, ayaa waxa ay aheyd boqolkiiba 66.4, taas oo ka sarreysay doorashadii 2010.